Dawlada Suudaan oo Dhaqan galisay Xeer Mamnuucaya Gudniinka Fircooniga ah

Dawlada Suudaan ayaa Mamnuucday Gudniinka fircooniga ah waxaanu qofka fal dembiyaadkaa galaa mutaysanayaa Saddex sanadood oo xadhig ah.

 

Qiyaastii 86% Dumarka Sudan ee Da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 49 jir ayaa Qaramada Midoobay sheegtay in hab fircooni ah loo guday.

 

Sudan waa wax caadi ka ah in haweenka la mariyo gudniinka fircooniga ah noociisa ugu xun.

Waxaanu gudniinka noocaas ahi keenaa Cudurro ku dhaca hab-dhiska kaadi mareenka, kelyaha, buro ka soo baxda xubinta taranka, dhibaatooyin xaga Taranka ah iyo xanuun ay mudato qofka dumarka  ahi marka Ugu Horraysa ee Lala Aqal Galayo

 

 

Falkan ayaa ku salaysan Arimo dhaqan oo bulshadu rumaysantahay in ay ma huraan u yihiin dhawrsanaanta gabdhaha iyo guurkooda mustaqbalka.

 

Gudniinka fircooniga ahi hore ba sharci darro ayuu uga ahaa gobolada Sudan qaarkood, laakiin bulshadu dhegaha ayay ka furaysatay.

 

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tebisay in kaabidda xeerka Ciqaabta guud lagu daray mamnuucidda gudniinka fircooniga ah Ee  la ansixiyey 22 Abriil ee sannadkan.

 

Kaabidda xeerkan ayaa Tibaaxaya  in qofkasta oo gudniin fircooni ah ku sameeya goob caafimaad ama meel kaleba uu mudan doono ciqaab ah saddex sannadood oo xadhig ah iyo ganaax.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker