Kenya Oo Qorshaynaysa Inay Xidho Xuduuda Ay La wadaagto Somalia.

Dowladda Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqday ay wado qorshe lagu Xidhayo xuduudka ay wadaagto dalka Soomaaliya, sababo la xidhiidha Cudurka halista ah ee Coronavirus.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in Kenya ay wado qorshe lagu xidhayo xuduudka Soomaaliya ee dhinaca Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi-Bari

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka in Kenya ay qaadan dooto Go’aankaas lagu xirayo Xuduudka, hayeeshee ma uusan shaacin waqtiga la xidhayo, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay cabsi laga qabo Cudurka Coronavirus.

 

“Xadka laga soo gudbo Wajeer iyo Soomaaliya, oo laga helay in ka badan 500 kiis oo ah Coronavirus, waxay u badan tahay in aan xirno si loo xaqiijiyo in uusan faafin fayruska,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Kenya.

 

Si kastaba hadalka Wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Kenya shaacisay in saddex qof oo ka tegtay Soomaaliya Coronavirus loogu karantiilay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Wajeer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker