Jabuuti Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Covid 19 Iyo Hawlagalo Laga Bilaabay.(Sawiro)

Dawlada Jabuuti ayaa xaqiijisay maanta in caabuqa Coronavirus, laga helay 15 qof, markii xanuunka laga baadhay 105 qof oo looga shakisanaa xanuunka halista ah ee Coronavirus, taasoo wadarta guud ee dadka uu haleelay caabuqan ee ku nool Jabuuti ka dhigaysa 1112 qof.

 

Wasaarada caafimaadka Jabuuti ayaa Warsaxafadeed ay soo saaratay ku sheegtay tirada guud ee caabuqa Coronavirus laga baaray tan iyo markii laga arkay Dalkaasi 13856 qof oo laga shikisanaa, kuwaasoo laga helay 1112 qof ka mid ah Covid-19 baadhitaanka kadib.

 

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka ayaa xustay inay xanuunka ka Bogsadeen 686 qof oo hore looga helay caabuqa, halka 2da qof ee kalena ay ku sheegtay dhimasho, waxana dadka laga helay caabuqa Corona-virus ee ay xaaladoodu halista tahay la dhigay Isbitaal ku yaala Carta, halka inta kalena lagu hayo xarun lagula socdo xaaladooda caafimaad.

Dhinaca kale Wasaarada ayaa maanta dalka oo dhan ka bilowday baadhitoono iyo hawlgalo lagu xakamaynayo faafida cudurka Covid 19, kaasoo faro ba’an ku haya shacabka reer jabuuti, waxayna la baahiyay sawiro muujinaya hawlgaladaasi ay u anbabaxeen hawlwadeenada Wasaarada Caafimaadka Jabuuti

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo ku qoran luqada Faransiiska.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker