Ardeyda iyo Dalxiiska W/Q: Abdifataah M.Ahmed

Ma Xasuusto Safar Dalxiis gaaban amma hawo beddelasho oo aan u baxney intaan ku jirey Dugsiga hoose/Dhexe iyo Sarre Midna,Xasuusteyda ugu Dhow ee aan ka garannaayo safar dalxiis gaaban intii aan waxbarashadda ku jirey ayaa aheyd (2004)mar aan ku Jirey Sannadkii Kowaad ee Shahaadadeyda  (Master’s Degree),Markaasi oo billowgii waxbarashadda  naloo qaadey goobbo dalxiis leh oo dadweynuhuna taggo.Waxaan Xasuustaa in aan  dalxiiskaasi si fiican uga qeyb qaatey barnaamijyadii la socdey safarka,Maalintaasi nasashaa noo dhacdey,hawo beddelasho dhab ah baan dareemay,cuntadda,cabbitaanka ,beertii soo jiidashada laheyd”Fun City”iyo Jawigii Ardeyda aannu kala dalka iyo afka duweyneyn waxbarashadduna na kulmisey ilaa maanta xasuusteedu wey ila nooshahey.Dalxiiskii kaasi iigu xigey isna wuxuu ahaa mid aannu markale isla wakhtigaasi ardeynimo (2006) sannadkii iigu danbeyey Master’s-ka ugu baxney barxaddii mucjisada aheyd ee “Treasures Island”,haddadaa aan qorralkan qorraayana waxaan xasuusnahay saacaddaan baxney,kursigaan baska ka fadhiistey,barafasoorkii i dhinac fadhiyey,wakhtigaan galney,qadadii wadaaga aheyd,Dabaashii,danankii Muusiga ee baxaayey,Shaahii iyo Sharaabkiiba.

 

Inta badan Dalxiiska gaabani waa mid socda inta u dhaxeysa Subaxa ilaa fiidka oo la soo noqdo,wuxuu ka kooban yahay koox dad ah sida asxaab,qoys amma ardey isku fasallo ah iwm.Dalxiisku wuu ka duwan yahay noloshii caadiga aheyd ee guriga maalinlaha uga socotey,oo waaba dalxiis,waana in lagu arkaa wax cusub iyo deegaan cusub haddii kale waxba kagama duwana gurigii aad seexaneysey,Wuxuu leeyahay gaadiid u gaar ah,berigii horre iyo haddase farqi weyn ayaa u dhaxeeya,waa maalin la faraxsan yahay,sawirradiisuna waxa ay ka billaabmayaan daqiiqadda la dhaqaaqo ilaa inta la soo noqonaayo wixii dhacey,guusha uu ku soo dhammado,sida farxadda leh ee loo soo noqdo,Doogii,dhismayaashii,dabaashii,dhirtii,ubaxii,la isku soo sawirrey,waxna lagu soo dhex cuney,ayaa daal kasta lagu illaabi doonaa.

 

Jaamacaddaha Ardeyda ku jirta inta Dalxiis iyo Safaro loo saaraa waa wax yar  oo safaradda waxbarashada ku jira sida in deegaan amma goob wax qabad (Practical/Field Trip) loo saara ayaa ah mid yar,sannad dugsiyeedka cussub si jawi wanaagsan ardeydu waxbarashadda ugu billowdaan ayaan weli la siin dalxiis ku filan.Habka loo Abaabullo Safaradda dalxiiska gaaban ee dalxiiska Ardeyda loo qaado weli dalkeena waa lagu muransan yahay,dhanka Waallidka,Dugsiga,iyo Wasaaraddaba,Shilal iyo ardey baddu liqdo amma quusa ayaa laga baqaa,khilaaf iyo rabshadaa laga werweraa,Dhaqaalaha safarka laga hadlaa,Marka haddaba caqabadahaasi weli isgoolada waxbarashadda iyo jaamacaddaha heysta laga tago intee in leeg ayaa ardeydu sannadkii helaan dal barasho,dalxiis iyo safaro gaaban oo hawo beddelasho,Deegaankeenuse ma leeyahay meelo badan oo u diyaarsan in loo dalxiis tago,tirakoob sax ah oo laga hayaase ma jirtaa dhammaan goobaha ardey dal barasho iyo hawo beddelasho loogu bixin karro.

 

Ugu Danbeyntii Sheekooyin badan oo la xidhiidha Dalxiisyadda gaaban qorrayadeenu ardeyda ha u alifaan,aragtiyaha aan u baahanahay ayey ka mid tahay,hana la dhiiri-geliyo Dalxiisyada Ardeyda iyo Shaqaalahaba,Waayo dalxiisku wuxuu mustaqbalka soo saaraya dadkii dhulka fogfog socdaalka ku tagi lahaa,kuwii baddaha quusi lahaa,kuwii buuraha fannan lahaa intaba,sidoo kale ardey badan ayaa dalxiiska ku soo caan baxda kuna soo bandhigta hibadda ku jirta,faa,idada ku jirta dalxiiska gaaban ee Ardeyda loo bixiyaa wey ka weyn tahay maskaxdeenna.

 

 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.co

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker