BISHA RAMADAAN IYO FADLIGEEDA Q1AAD W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

Ramadaan waxay kamid tahay bilaha ugu fadliga iyo dheeraadka badan bilaha sanadka ee islaamka waa bishii soonka iyo oogida salaada, islaamka dhexdiisa waa bil weyn bil loo sahay qaato xaga kheyrka.
Ramadaan waa bishii uu soo degay quraanka kariimka ah hadalka eebe weynaha dunida uumay (شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَىٰ وَالْفُرْقَان.
Soonku wuxu kamid yahay tiirarka uu islaamka ku taaganyahay ee bud-dhiga u ah islaamnimo dhamaanteed tiirarkaa shanta ah ayaa waxaay kala yihiin sida nabigeenu sheegay “qirashada shahaadada in eebe weyne keligii yahay cibaadadana keligii xaq u leeyahay iyo in nabigeena muxamed suubanaheena wanaagsan uu yahay adoonkii ilaahay iyo rasuulkii uu dunida u soo direy, oogida salaada, bixinta sakada, gudashada waajiibka xajka iyo sidoo kale soonka bisha ramadaan. لقول النبيّ محمد -صلّى الله عليه وسلّم-: (بُنِيَ الإسْلامُ علَى خَمْسٍ، شَهادَةِ أنْ لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ، وأنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ ورَسولُهُ، وإقامِ الصَّلاةِ، وإيتاءِ الزَّكاةِ، وحَجِّ البَيْتِ، وصَوْمِ رَمَضانَ).

Bisha ramadaan waa bil eebe weyne kheyr badan dhexdeeda uu dhigay waa bil uu fadligeeda uu ku suganyahay quraanka kariimka ah iyo sunada rasuulkeena suuban waa bishii uu:
Waa bishii quraanku soo degay, soo degitaanka quraanka kariimka ee bishan ramaadan waxa ku sugan dhacdooyin waaweyn kuwaas oo si dhaba u cadaynaya fadliga bishan ramadaan, kalaamka ilaahay ee bishan soo degay waxa dhexdiisa ku sugan wararkii umadihii hore ee dunida soo maray, axkaamta u damaanad qaadaysa aadmiga nolosha wanaagsan aduun iyo aakhiraba (شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَىٰ وَالْفُرْقَانِ)
Bisha ramadaan waxa ku jira habeenkii eebe weyne amaanay “ habeenkii laylatu qadriga” habeenkaas oo ka fadli badan 1000 bilood oo aan ramadaan ahayn oo u dhiganta 83sano iyo 4bilood.
Nabigeena muxamed N.N.K.H wuxu inoo soo tabiyey in qofkii habeenkaa cibaado u istaaga isagoo rumaysan, ilaahayna abaal kaga doonaya in eebe weyne qofkaa dambigiisii hore iyo ka dambaba dhaafi doono.
: (مَن قَامَ لَيْلَةَ القَدْرِ إيمَانًا واحْتِسَابًا، غُفِرَ له ما تَقَدَّمَ مِن ذَنْبِهِ، ومَن صَامَ رَمَضَانَ إيمَانًا واحْتِسَابًا غُفِرَ له ما تَقَدَّمَ مِن ذَنْبِهِ)
Habeenkaa laylatu qadri waxa loogu baxshay waa habeenkii quraanku soo dagay lana qadaray xaga ilaahay.
Fadliga bisha ramadaan waxa kamid ah in ilaahay u dambi dhaafo adoomihiisa taas oo sabab u noqota in adoonku galo janooyinka ilaahay. Taas waxa cadaynaya xadiiskii rasuulka ee jaabir warinayey kaas oo nin nabigeena weydiiyey “nabi allow ka waran hadii aan tukado salaadaha faralka ah sidoo kale aan soomo bisha ramadaan, oo aan xalaal ka dhigto waxkasta oo eebe xalaal ka dhigay, sidoo kale aan xaraam ka dhigto waxkasta oo alle xaraam ka dhigay, oo aanan intaa waxba ku darin janada eebe ma galayaa? Waxa uu nabigu ninkaa ugu jawaabay haa.
(أنَّ رَجُلًا سَأَلَ رَسولَ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عليه وسلَّمَ، فقالَ: أرَأَيْتَ إذا صَلَّيْتُ الصَّلَواتِ المَكْتُوباتِ، وصُمْتُ رَمَضانَ، وأَحْلَلْتُ الحَلالَ، وحَرَّمْتُ الحَرامَ، ولَمْ أزِدْ علَى ذلكَ شيئًا، أأَدْخُلُ الجَنَّةَ؟ قالَ: نَعَمْ)

Bisha ramadaan waa bishii la furayey albaabada janada sidoo kalena la xidhayey iridaha naarta waxa sidoo kale la silsiladeeyaa oo la xidhaa shayaadiinta kuwooda waaweyn ee dhibka badan dhamaan arimahani waxay yihiin naxariis xaga ilaahay ah oo bisha ramadan lagu gaar yeelay arintana waxa sidoo kale cadaynaya xadiiska rasuulka
لقول النبيّ -صلّى الله عليه وسلّم-: (إذا جاءَ رَمَضانُ فُتِّحَتْ أبْوابُ الجَنَّةِ، وغُلِّقَتْ أبْوابُ النَّارِ، وصُفِّدَتِ الشَّياطِينُ)
Ramadaan waa bishii eebe weyne adoomihiisa naarta ka xoreyn jirey, waa bishii alle uu karaamayn jirey adoomihiisa sooman ee uu maalin kasta oo waaberyo iyo galbal dhaco uu qaar adoomihiisa kamid ah uu naarihiisa daran uu ka fogayn jirey janadiisana uu ku casuumi jirey
يعتق الله فيه الناس من النيران؛ فالله -سبحانه وتعالى- يتفضّل على عباده الصائمين بأن يجعل منهم عُتقاء من النار في كُلّ يوم؛ والعِتق يكون بابعاد المُعتَق عن النار، وإدخاله إلى الجنّة
Ramadaan waxa ilaahay sakhiraa dhamaan duruufkasta oo adoonka cibaadadu ugu hirgalayso wuxu ka xidhaa ibliiska kooda daran ee la loodin waayey, wuxu ka xoreeyaa naaraha adoomihiisa kala gadisan,arintaas ayaa nabigeena muxamed N.N.K.H uu ku sheegay xadiis isagoo yidhi “mid dhawaaqa ayaa markay ramadaan soo gasho odhanaya kii kheyrka jeclaayee dadka ugu yeedhidhayoow soo qaabil waa bishii kheyrkee kii dadka xumo ugu yeedhayoow gaabso xumaha.
يُهيّئ الله الظروف المُناسبة لعباده؛ لأداء العبادة؛ وذلك بحبس الشياطين، وكثرة العِتق من النار في رمضان؛ لقول النبيّ -صلّى الله عليه وسلّم-: (ويُنادي منادٍ يا باغيَ الخيرِ أقبِلْ ويا باغيَ الشَّرِّ أقصِرْ وله عُتقاءُ من النَّارِ وذلك كلَّ ليلةٍ).
Bisha ramadaan waa bishii baryada la aqbali jirey, isagoo ilaahay markasta adoomihiisa baryada ka aqbala hadana ramadaan si gaara ayaa uu ilaahay adoonkiisa baryey u tixgaliyaa oo ducadiisa u aqbalaa.
Bisha ramadaan ilaahay waa ka fadilay 11bilood ee kale ee sanadka sidaa si lamid ah ayaa cibaadada bisha ramadaana uga fadli badan tahay cibaadada waqtiyada kale lala yimaado.
Camalka qofka ee wanaaga ah ilaahay s.w qofka sameeyey waa ka abaaliyaa isagoo abaalka ajarkaa u laban-laaba,ama u toban laaba, ilaa la laban-laabo 900 jeer hayeeshee soonka waxa qofka ka abaal mariya ilaahay qiyaas la’aan isagoo eebe weyne sababta uu abaal marka intaa lleeg adoonkiisa u siiyeyna ay tahay in adoonku gutay waajibkii ilaahay saaray isagoo ka tagay cunto iyo cabidba ilaaha dartii, arintaas waxa cadaynaya xadiiskii rasuulkeena suuban muxamed N.N.K.H waxaanu yidhi:
قال النبيّ -عليه الصلاة والسلام-: (كُلُّ عَمَلِ ابْنِ آدَمَ يُضَاعَفُ، الحَسَنَةُ عَشْرُ أَمْثَالِهَا إلى سَبْعمِئَة ضِعْفٍ، قالَ اللَّهُ عَزَّ وَجَلَّ: إلَّا الصَّوْمَ، فإنَّه لي وَأَنَا أَجْزِي به، يَدَعُ شَهْوَتَهُ وَطَعَامَهُ مِن أَجْلِي)
Fadliyada ay bisha ramadaan la gaar tahay waxa kamid ah salaada taraawiixda layidhaahdo. Dhamaan dadweynaha muslimka ahi waxay u kulmaan oogista salaadaha habeenkii ee bisha ramadaan, imaamkii weynaa ee nawawi wuxu sheegay in salaadaha habeenkii looga jeedo salaada taraawiixda.
Hadaba rasuulku wuxu marar badan sheegay in qofkii ramadaan istaaga (tukada) isagoo rumaysan, ilaahayna abaal kaga doonaya in eebe weyne uu dhaafayo dambigii hore uu u galay.
عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ” من قام رمضان إيمانا واحتسابا ، غفر له ما تقدم من ذنبه
Sida imaamu nawawi sheegayo wuxu tilmaamayaa in xadiiskaasi tilmaamayo salaadaha aan faralka ahayn sida taraawiixda waayo wuxu ku tilmaamay in aan waajib laga dhigin istaagida ee la yidhi qofkii istaaga halkaas oo lagala soo baxayo in salaadahaasi ay yihiin kuwo suno ah, sida ay culimada islaamku ku kulansan yihiina oogida iyo gudashada salaadaha taraawiixda iyo taajidku waa suno manduub ah.
وقال الإمام النووى رحمه الله : قوله: (من قام رمضان) هذه الصيغة تقتضي الترغيب والندب دون الإيجاب واجتمعت الأمة على أن قيام رمضان ليس بواجب بل هو مندوب)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker