Maxaa ka jira in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay 100 qof Muqdisho ugu dhinteen COVID-19?

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhowaad 100-qof Coronavirus ugu geeriyootay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in sagaalkii qof ee dowladdu shaacisay inay xalay ku geeriyoodeen isbitaalka Martiini, ay u dhinteen Oksajiin la’aan, kadib markii ay tagtay korontadii oo uu demay mashiinka neefta siinayey dadkaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda federaalka aad ugu dhaliilay arrintaas, isagoo nasiib darro ku tilmaamay, inay dowladdu Matoor keyd ah cusbitalka gayn waysay.

“Ilo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyeen in ku dhowaad 100 ruux ay shalay iyo xalay magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen. Dadka intooda badan waxay u dhinteen Fayriska (COVID-19). Sagaal ka mid dadkaas, oo aan qaarkood aqaano waxay ku geeriyoodeen Isbitaalka Martiini, ka dib markii ay korontadii ka tagtay, mashiinadii ogsijiinka siinayey na ay istaageen. Masuuliyad dari iyo tacadi ka wayn ma jiro in dowladu ay matoor kayd ah Cusbitalka gayn wayso”ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdihhakuur ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay isku tashadaan, maadaama ay xaaladu kasii dareyso, dowlad dadka wax tareysana aysan jirin, sida uu hadalka u dhigay.

“Walaalayaal xaalada Karoona Fayris way ka sii daraysaa, dawlad dadka wax taraysana ma jirto ee isku tashada. Maadama awood lagula tacaalo Fayriska aysan jirin, intii la kari karayna laga gaabiyey, waxaa qasab ah in aan ku dadaalno ka hortagiisa oo aan qaadano talooyinka dhakhaatiirta. Waxaa na la ka doonayaa talo saarasho Eebe oo taxadar lagu daray. Allaha u naxariisto intii dhimatay, allahana dhowro Inta kale,  danbigeenana Allaha dhaafo” ayuu kusoo gabagabeeyey qoraakiisa.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya, iyadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay galabta shaacisay in xalay isbitaalka Martiini ay ku geeriyootay sagaal qof, kuwaas oo sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda laga soo gudbiyey isbitaalo gaar loo leeyahay.

Xubno ka tirsan wasaaradda oo aan goor dambe wax ka weydiinay 100-ka qof ee la sheegay, waxay sheegeen in xogtaas aysan hayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker