DF Somalia oo shaacisay kiisas cusub oo dhimasho iyo xaalado Coronavirus ah

Muqdisho (OWN) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 3 qof oo hor leh ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19.

 

 

Mid ka mid ah dadka geeriyooday ayaa ka mid ahaa 9 qof oo xalay ku dhintay isbitalka Martiini, kaasi oo la xaqiijiyey inuu qabay COVID-19, halka 8 kale ay ahaayeen 7 aanay weli soo bixin natiijada baaritaankooda soo bixin iyo qof laga waayey.

 

 

 

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dalka laga diiwaan geliyay 44 xaalad oo cusub oo cudurka ah, halka afar qof oo ka mid ahaa dadkii qabay cudurka ay kasoo bogsadeen.

Afartan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, halka afar qof oo kalen laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland. 35 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, halka sagaal ay yihiin dumar.

 

 

 

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480. Guud ahaan 26 ayaa loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurka, waxaana ka bogsoosay 14 qof.

 

 

Soomaaliya ayaa hadda ah dalka laga diiwaan-geliyey tirada ugu badan ee dhimashada kiisaska COVID-19 ee dalka Bariga Afrika, waxaana ay kaalinta labaad kaga jirtaa tirada kiisaska guud ayada oo ku xigtay Jabuuti oo laga diiwaan geliyey 1035 kiis.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker