Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Xanuunka COVID-19

Xukuumadda Somalilan,d ayaa ka hadashay Xanuunka Koronaha oo Waddamo badan oo Caalamka ah ku soo rogaal celiyey, waxayna Bulshada ugu baaqday inay taxadir badan muujiyaan.

Agaasimah guud ee Wasaaradda Horumarnta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye   ayaa sidoo kale ka hadlay sababta keentay in dib ay ugu soo celiyaan wacyigelinta ka dhanka ah koronaha ee Telefoonada gacanta ee Bulshadu sidato, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waa dhab oo xanuunka Koronuhu waa xanuun halis badan, oo khatartiisu aad u badan tahay, siduu u faafayaana ay aad iyo aad u deg deg badan tahay, Waddamada kale duwan ee Caalamka wuu sameeyey, dhammaan Qaarad ilaa ka Qaarad ayuu iskaga gudbay, dhaqaalihii, xidhiidhkii iyo isku socodkii Caalamkana saamayn xooggan buu ku yeeshay”.

Mar aanu weydiinay sababta keentay in dib loogu soo celiyey wacyigelinta ka dhanka ah Koronaha ee Telefoonka gacanta ee Bulshada ayuu ku jawaabay “Xanuunku meel badan buu ku soo rogaal caliyey, oo dib ugu soo noqday, laakiin inaguna Somaliland ahaan weynu xakamaynay, oo Shacabku si fiican bay u qaateen wacyigelintii iyo talooyinkii aanu siinay, ka hor tagista ayaana ka wanaagsan daawaynta ilaa hadda inagu weynu fiican nahay, ee sababta aanu wacyigelintii u soo celinay ayaa ah inay Bulshadu ka feejignadaan, kana digtoonadaan xanuunkan, wacyelintaana waa inay sideeda u qaatan”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker