Dr Gaboose: Coronavirus wuxuu ka tagi doonaa dunidii hore mid ka duwan

Dr’ Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu ka mid yahay dhakhatiirta caanka ah ee ku howlan la dagaalanka coronvirus. Waxaa uu hadda ka howlgalaa magaalada Hargeisa. Waxa uu ku takhasusay xanuunada faafa. Warbixinta waxan idin kugu soo gudbineynaa waayihiisii shaqo iyo dadaalka uu hadda ugu jira la dagaalanka coronavirus.

 

Dr Gaboose waxaa uu ku dhashay miyiga xadka dalka Itoobiya uu la wadaago Soomaaliland. Wuxuuna ku soo barbaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaas oo uu sidoo kale wax ku bartay.

Markii uu jaamacadda caafimaadka kaga baxay magaalada Muqdisho kadib waxaa uu fursad waxbarasho ka helay wadamo dibadda ah halkaas uu ka sameyay sedax taqasusu oo kala ah xanuunada ku dhaca Neerfaha, tropical medicine,Xanuunnada faafa iyo habka loo maamulo caafimaadka ama loo xakameeyo.

Dr’ Gabose tan iyo sanadkii 1987-kii waxaa uu ka shaqeynayay arrimaha caafimaadka,isaga oo dowladii dhexe ee Soomaaliya ee madaxweynaha uu ka ahaa Maxamed Siyaad Barre,ka soo noqday wasiir ku xigeenkii caafimaadka waxaana intaa u sii dheeraa in xanuunada faafa uu u qaabilsanaa dowladda.

Soomaalida iyo Coronavirus

Guud ahaan dunida waxa la soo rogay tallaabooyin lagu xakameynaya faafitaanka fayriska corona. Soomaaliya ayaa soo rogtay bandow habeenkii ah, waxaana dadka loogu baaqay inay qaataan talooyinka bahda cafimaadka sida kala fogaanshaha iyo dhaqashada gacmaha. Balse Dr Gaboose waxa uu walaac ka qabaa in wacyiga Soomaalida oo weli hooseye.

Waddooyinak caasimadda Muqdisho oo maran ka dib markii dowladda ay soo rogtay tallaabooyin lagu xakameynayo faafidda fayriska.Waddooyinka caasimadda Muqdisho oo maran ka dib markii dowladda ay soo rogtay tallaabooyin lagu xakameynayo faafidda fayriska.

“Maamullada xukuma Soomaalida meel walba ha joogaane waa in ay sameeyaan wacyi-galin xad-dhaaf ah waa in ay dhaqaajiyaan dhaqaatiirta,waa in ay dhaqaajiyaan Culimada,waa in dhaqaajiyaan bulshada rayadka ah waa in ay dhaqaajiyaan cuqaasha ayuu yiri Dr Gaboose ”

Caqabadaha kale ee jira waxaa ka mid ah in bulshada qaar badan oo ka mid ah aaneyba aaminsaneyn halista xanuunka Covid’19, waxaana uu Dr Maxamed Cabdi(Gaboose) ku baaqayaa in aan lagu ekaan wacyi galinta warbaahinta oo kaliya balse loo baahnyahay in la xoojiyo olalaha dadka lagu gaarsiinayo khatarta cudurkaan.

Sidoo kale Dr Gaboose ayaa aaminsan in wacyi-galinta la daadajiyo isla markaana loo adeegsado wax walba oo muhiim ah oo dadka lagu gaarsiin karo sida dhaqaale iyo habka bulshada Soomaalidu ku dhisantahay ee qabaa’ilada.

Shaqaalaha Caafimaadka iyo Khatarta ay wajahayaan.

Khubrada caafimadka sida hay’adda caafimaadka ee WHO ayaa ka digay in shaqaalaha caafimadka ee ku howlan la dagaalanka fayriska ay khatar ugu jiran inuu ka dhaco haddii aanay qaadin tallaabooyin ay isaga ilaalinayaan xannuunka.

Gaboose
Shaqaalaha caafimaadka ayaa wajahaya halista ugu badan ee xanuunkan sababtoo ah ma haystaan qalabka la isaga difaaco xanuunka oo ku filan
Dr Maxamed Cabdi Gaboose

“Shaqaalaha caafimaadka ayaa wajahaya halista ugu badan ee xanuunkaan sababtoo ah ma haystaan qalabka la isaga difaaco xanuunka oo ku filan ayuu yiri Dr Gaboose “.

Dhamaan madaxda Soomaalida ayuu ugu baaqay in ay ka taxadaraan shaaqalaha caafimaadka ee u taagan badbaadinta bulshada kale isla markaana ay siiyaan qalabka muhiimka ah u marka ay timaado iska difaacidda coronavirus.

ABDIRAZAK HUSSEIN FARAH

Filashada mustaqbalka ee Coronavirus.

Iyadoo dad badan is waydiinayaan isbadelka guud ee dunida laga filan karo iyo saameynta mudada dheer taagnaan karta ee xanuunkaan uu reebi karo, ayaa madaxa Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO, Dr. Tedhros Ghebreyesus waxaa uu sheegay in xanuunkaan uu muddo dheer sii jiri karo samaeyntiisuna si weyn loo dareemi doono.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa dhankiisa isna taas sii adkeyay waxaana uu sheegay in xanuunkaan coronavirus iyo xanuuno kale oo faafa ay caan ku yihiin in ay sameeyaan isbadel dhanka hiddo-sidaha ah uuna imaan karo cudur aanba horey loo arkin kana dhibaato badan.

Waxaa uu sheegay in qarnigii la soo dhaafay ay dunida ka dilaaceen ilaa afar cudur oo ah kuwa faafa. Wuxuu inbtaasi ku daray in “coronavirus la saadaalinaya in uu ka tagi doono saameyn keeni karta in dunida aad loo qiimeeyo caafimaadka korna loo qaado bahada caafimaadka si ka duwan sida uu manata xaalku yahay”

Dr Gaboose iyo kooxdiisa oo ku sugan isbitaalka Haldoor ee magaalada Hargeysa

” Waxaan aaminsanahay in Coronavirus uu ka tagi doono duni dunidii hore ka wanaagsan wuxuu doono ha dilo dhaqaalaha ha burburiyo, balse bini’aadamkiibaa dib u fariisan doono oo su’aalo badan iska waydiin doona xooggu waa maxay ? dhaqaaluhu waa maxay ?waxaana soo bixi doono in bulshadii caafimaadka laga jeclaan doono kii kubada kii heesaaga ahaa marka duni cusub ayaa soo bixi doonta” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dr Gaboose: ‘Goob caafimaad oo kaliya lagu kala wareejin karaa kelyaha iyo xubnaha kale ee

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker