TIRADA DADKA COV19 KU DHACAY EE SOMALILAND SHEEGAYSA WAXBA KAMA JIRAAN.

Tirada cudurkani dadka qaba ee reer SOMALILAND run lagama sheego ee waa geedsare waab.  Haddii sida  dawladaa kale la rabo  in baadhid ummadda lagu sameeyo waa in mashiinka dhabta ah ee la leeyahay waa naloo keennay waa in baadhidda  shaqaalaha  caafimaadka wixii dhakhtarada  jooga ee wasaaradda caafimaadka shaqaalaheeda ah waa in baadhidda lagaga bilaabaa oo aan markisyada caafimaadka iyo cusbitaalada aanay noqon meel iyaga laga soo qaado xannuunada. MARKA ku xigta  waa in arday oo dhan loogu yeedhaa konton konton oo iyana baadhid lagu sameeyaa.  Marka xigta waa in ciidamada magaalooyinka jooga oo dhan la baadhaa sidaa bulshada loo kala horaysiiyaa baadhidooda waa in Siyaasiyiinta Xukuumadda la baadhaa  laakiin Xisbiyada siyaasiyiintooda waa inaan xukuumadu baadhin oo  aanay I dhicin  Cov19 assassination.

Sababaha keenaya in la is khilaaf xukuumadda warkeeda ah imisaa qaba arin la yaraysan karo maaha waxay ka turjumaysaa in dad shaqada aan kartideedii madax aan u qalmin loo diray oo Xukuumaddaynu xaalkeeda shaqo ogayn oo ay imika NOQOTAY ALLA-MATII-OO SOONTAY.
SHAQADA MARKII AY DHAKHAATIIR HEER SARE AHI HOGAAMINWEYDAY EE XITAA  CUDURKII LA SIYAASADEEYEY ayaa hoog inoo noqday.
Sida cudurkani looga hortegayaa waa sida badbaadada dadku ku jirto markaa waxay ahayd in karti iyo aqoon iyo firfir cooni lagaga hortago, waxay ahayd  ardaydii jaamacadaha oo ay hogaaminayaan kuwii caafimaadka baranayey oo la hawl geliyo iyagoo cunto bilaashka iyo gaadiid guryahooda geeya kana soo qaada la siiyo.  Wadamada reer yurub dadkii caafimaadka ka  shaqaynayey tagaasidii wadanka ayaa dawladu la heshiisay oo qof walba gurigiisa gaadhsiiya kana soo qaada.wadankii oo dhan baa wada shaqaynaya reer  SOMALILAND na dhulkii danyartu wax ka cunni jirtay bay cagafyo geliyeen oo maatidii jiingadii ka gurteen waa caqli abaaroobay goaanada noocaa ahi Cov19 waxay ahayd in lagu amro in cuntooyinka la qaato oon meheradaa lagu dhex cunin.
Nasiib waxaa lagu leeyey weli cudurkii muu qarxin laakiin wuu soo hangalaysanayaa ee sida ka hortaggu yahay wax ha laga bedelo haddii kale markuu  yimmaaddo wuxuu xoog u laynayaa  dadka wax haystay ee guryaa marmarka ah ee uu  u nadiifta ku nool maxaa wacay Immune system kooda ayaa daciifa waa sida yurub ba ka dhacday oo dadkii wax haystay buu cudurkii tartarab u laayey masaakiintii xaafadaa (poor) ku noolaa duri uun buu ku noqday oo jidhkoodii difaacbuu u haystay virus yada oo oo dhan . Waxan aan sheegayaa maaha fikir jeebkayga ah ee khubaradii reer Europe baa warkaa xaqiijisay  oo waa baadhid jirta.
Somalida iyo madaxdeeda waxaa haysta WAANO DHAQANBAA KA ADAG oo talo lama qaato laakiin qofkii talo xaqa bixinayaa isagu ajarbuu xagga ka heliyaa markaa wadankayda iyo dadkayga reer SOMALILAND waxaan leeyahay CUDURKA CORONOVIRUS AFKA KA XIDHA LAAKIIN TALADA WANAAGSAN AFKA HAKA XIDHANINA.
M BASHE
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker