Maxaad Ka Taqaana Sida uu isku salaamo Geela ?

Geela ayaa kamid ah xoolaha ay sida weyn u jeceshahay Soomaalida isla markaana ay dhaqato, wuxuu ku duwan yahay xoolaha kale ee la dhaqdo gaar ahaan manfaca iyo faa’idada laga helo caanaha, hilibka, gaadiidka iyo faa’iidooyin kale.

Caadiyan Geela waxa uu magac iyo muuno gaar ah ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida oo xooluhu yihiin laf-dhabarta noloshooda.

Haddaba, waxaa halkan idiin kuugu soo gudbineynaa xaqiiqooyin ku saabsan geela.

Sida uu isku salaamo geela

Geela wuxuu jecel yahay in uu iskula socdo xeyn xeyn, waxaana hoggaamiya ratiga, waaana taasi sbabta Soomalaida ay u tiraahda maahmaada ah ratiga dambe kan hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay.

Geela wuxuu u muuqdaa mid ka furfuran xoolaha kale, oo isdhaxgal ayuu sameeyaa, marka uu isa salaamayana wuxuu isi saraa gafuurka.

Muuqaalkiisa

Geela dheereer ahaan waxaa lagu qiyaasaa 6-7 fit, waxaa uu noolaan karaa ilaa iyo 15 sano. Nooc ka mid ah geele oo cimrigiisu intaa aad uga badnaan kara ayaa la sheegaa inuu jira.

Geelu waxa uu awood u leeyahay in uu xiro duleelka sankiisa si uu uga hortago in ciidda ay ka gasho sanka.

Wuxuu sidoo kale leeyahay dhogor adag oo uu isaga celiyo cimilada kulul isla markaana cagahiisa daboolan waxay ka caawiyaan in uu u adkeysto heerkulka daran ee saxaraha iyo meelaha kale ee kulul.

Daaqa iyo dabeecadaha geela

Geelu wuxuu inta badan daaqaa maalintii, taas oo macnaheedu yahay in maalinkii uu firfircoon yahay inkasta oo habeenkii la miro.

Geela wuxuu ordi karaa 40 km sacaddii muddo dheer. Haddii qofka wada uu deg deg qaba wuxuu gaarsiin karaa ilaa iyo 67 km saacaddii.

Geela wuxuu kuruskiisa u adeegsadaa inuu ku keydsada cuntada iyo cabbitaanka, wuxuuna jirka geele isticmaalaa duxda ku keydsan kuruska marka ay cuntada iyo biyaha gabaabsi ku nqodaan, waana taasi sababta uu kuruska geela hoos ugu dhaca , haddii uu biyo iyo daq helana kuruska geela ayaa dib u buuxsamo.

.

Faruuryaha geela ayaa ah kuwa kala qeybsan, qeyb kasta oo ka mid ah bushimaha sare si madaxbanaan ayay u dhaq-dhaqaaqaan taas oo ka caawisa in uu cuno dhirta iyo cawska hoose.

Geela waa mid ka duwan xoolaha kale , wuxuu 10 daqiiqo gudahood ku cabbi karaa biyo 130 liitar oo biyo ah, balse maalmo ama isbuucyo ayuu adkeysan karaa biyo la’aan.

Xiriirka ka dhexeeya geela iyo banii’aadanka

Dadka iyo geela waxaa ka wada dhexeeyaa xiriir taariikh fog leh, Geela ayaa qarniyo badan lasoo raran jiray, waxaana lagu dhaqan jiray jasiiradda carabta intii u dhaxaysay 3000 iyo 2500 BC.

Geela wuxuu qaadi karaa 170 ilaa 270 kiilo oo badeeco ah ama agab ah, sida laga soo xigtay National Geographic oo ah barnaamij ka faalooda deegaanka iyo xayawaanka.

Soomaalidana reer guuraagana waxaa gaadiid u ah geela oo ay haddba meel ay ugu sahan tegaan, wuxuu kusoo dhaansadaan biyaha iyo fa’iidoyin kale aan lasoo koobi karin.

bbc

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker