Daawo: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Ciyaaraha ,, iyo Trump oo sheegay inuu ka Daalay Daawashada Ciyaaraha

Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku daalay daawashada ciyaaraha kubadda Baseball-ka ee laga ciyaaro waddankaas, taas oo uu tilmaamay inay tahay ciyaaro 14 jir ah.

Waddanka Maraykanka ayaa la filayaa inay ciyaaraha kala duwan dib uga bilaabmaan marka ay hoos u dhacaan kiisaska xanuunka Coronavirus oo maalmihii ugu dambeeyey la dareemayay in ay yaraanayeen dadka uu ku dhacayo, waxaanay taasi keentay in Badhasaabyada gobollada qaarkood ay kulan ka yeeshaan inay dabciyaan xayiraadihii ay dadka saareen.

 

 

Si la mid ah dunida kale, waddanka Maraykanka ayaa joojiyey ciyaarihii kala duwanaa ee sannadkan sida NBA, NHL, MLS, PGA Tour iyo NASCAR, waxaanay taagan yihiin meel dhexe oo ay dhamaadka u dhowaayeen gaar ahaan horyaalka kubadda kolayga ee NBA oo inta badan kulamada ay kooxuhu soo ciyaareen.

 

 

Tartanka kaliya ee kubbadaha kala duwan ee Maraykanka laga ciyaaro dhamaaday, waa NFL oo bishii February horraanteedii la ciyaaray kulankii ugu dambeeyey ee ‘American SuperBowl’, hase yeeshee MLB oo bilaabmay dhowaan soconna doona dhawr bilood oo dambe ayaa uu weerar kala kulmay Madaxweyne Donald Trump.

 

 

Madaxweynaha oo Salaasadii ka hadlayay Xanuunka COVID-19 ayaa  soo qaaday ciyaaraha oo uu ku tilmaamay in qaarkood yihiin 14 jir lagu caajisayo daawashadooda oo aanay u qalmin in waqti badan lagu bixiyo daawashadooda.

Daawo: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Ciyaaraha ,, iyo Trump oo sheegay inuu ka Daalay Daawashada Ciyaaraha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker