Wefti Wasiirro Ah Oo Loo Xilsaaray Shaqaaqadii Kasoo Cusboonaatay Deegaanka Gobolka Sanaag

Wefti wasiirro ah oo xukuumadda Somaliland u saartay shaqaaqada iyo colaadaha dib uga soo cusboonaaday deegaanka Ceel-afwayn, ayaa la sheegay inay maanta ka amba-baxeen magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

 

Guddidan wasiirrada ah, ee madaxwaynuhu u magacaabay xiisadda deegaanka Ceel-afwayn kasoo cusboonaatay, ayaa kala ah:

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed
  2. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed
  3. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Xasan Gaafaadhi Iyo
  4. Wasiirka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed

 

Weftigan wasiirrada ah ee uu madaxwaynuhu u diray dhinaca deegaanka Ceel-afwayn, ayaa arrimaha la filayo inay wax ka qabtaan lagu sheegay inay kamid yihiin xallinta iyo daminta shaqaaqada dib uga soo cusboonaatay deegaanka  Fadhi-gaab, oo katirsan deegaanka Ceel-afwayn, iyo wax ka qabashada kooxo dhawaan isku sheegay inay jabhad yihiin kana soo horjeeda Somaliland, kuwaas oo ku sugan buuralayda gobolka Sanaag.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in shaqaaqada kasoo cusboonaatay deegaanka Ceel-afwayn aan loo diri doonin odayaal iyo madax-dhaqameed balse ay xukuumaddu ku qaban doonto gacan bir ah isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh amni darro laga sameeyo deegaankaas.

 

Weftigan, wasiirada ah ee uu madaxwaynuhu u diray deegaanka Ceel-afwayn ayaa marka laga reebo wasiirka xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga intooda kale ay  ahaayeen masuuliyiintii xukuumaddu u xil-saari jirtay xallinta shaqaaqooyinkii deegaankaa ka dhici jiray loo diri jiray.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker