Qof Lagu Tuhmay Coronavirus Oo Ku Dhintay Puntland

Garowe (OWN) – Maamulka  Puntland ayaa Xalay  shaacisay in bukaan looga shakisanaa  xanuunka COVID-19 oo karantiilnaa uu maanta geeriyooday balse weli la sugayo natiijada baadhitaan lagu sameeyay si loo xaqiijiyo in uu cudurkaas u dhintay iyo in kale.

Qoraal ka soo baxay Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 u qaabilsan Puntland ayaa lagu sheegay in bukaankaas geeriyooday weli la sugayo natiijada baaritaankiisa balse lama sheegin magaalada uu ku geeriyooday.

 

Sidoo kale guddiga ayaa tilmaamay in shalay oo keliya la karantiilay sagaal qof oo looga shakiyay xanuunka COVID-19 kuwaas oo baaritaan laga qaadi doono si loo xaqiijiyo in ay cudurka qabaan inkastoo aan la xusin halka ay ku kala sugan yihiin bukaannadaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker