Nin Soomaali Ah Oo Cudurka Coronavirus Ugu Geeriyoodey Dalka Koonfur Afrika
Alle ha Naxariistee waxaa dalka Koonfur Afrika Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Nabadoon Cali Khayre ( Cali Xaashi) oo si Cali looga Gudaha dalkaas.
Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay la xanuunsan,isaga oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape Town ee K/Afrika,halkaas oo uu ku geeriyooday sida ay sheegeen eheladiisa.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika Khaliif Xuseen oo ka mid ah Dadka saakay tagay Isbitaalka ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed ay ka warhayeen intii uu xanuunsanaa.
Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan oo Ganacsi ahaan u tegay dalkaas,waxaana Ganacsigooda saameeysy Cudurka,kadib markii Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka dalkaas.