Abwaan Caan ah oo Shalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa Shalay magaalada Muqdisho lagu dilay Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobollada Qaranka, gaar ahaan kooxda ciidamada Booliska.

 

 

Dabley Bistoolado ku hubeysnaa ayaa shalay galab weerar ku qaaday Allaha u naxariistee Abwaan Baashi Macalin Maxamuud  kaasi oo ka mid ahaa  kooxda Heegan ee ciidamada Booliska, wuxuuna dilka ka dhacay xaafadda Arjentin, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

 

 

Dadka degaanka ayaa sheegay in abwaanka lagu toogtay agagaarka gurigiisa, iyagoo ay baxsadeen dableydii dilkiisa geysatay, waxaana markii dambe goobta tegay ciidamada amniga.

 

 

Ma jirto weli cid sheegatay dilka abwaanka, iyadoo hay’adaha Amniga aysan wax war ah kasoo saarin falkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker