Dablay Xalay Weerar ku qaaday Guriga Duqa Boorama iyo wararkii ugu dambeeyey

Boorama (OWN) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xalay sadqii dhexe lagu qaaday hoyga uu degan yahay Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi.

 

Weerarka oo ahaa mid Qorsheysan ayaa waxaa fuliyey rag hubeysay, kuwaas oo rasaas huwiyey guriga mas’uuliyiinkaasi, xilli ay ku sugnaayeen isaga iyo qoyskiis.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray askar ilaalo ka ahayd  hoyga Maayarka iyo kooxda weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsatay.

 

 

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta labada dhinac, sidoo kale guddoomiyaha iyo xubnaha qoyskiisa ayaa bad-qaba, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland saaka ay tageen halkaasi, islamarkaana baadhitaano kooban sameeyeen.

 

 

Illaa iyo hadda wax faah faahin mas’uulka la weeraray laamaha amniga Somaliland kama bixin dhacdadaasi.

 

 

Gudaha Somaliland  waxaa inta marmarka qaar weeraro ka geystay jabhado hubeysan oo ku xoogan gudaha Dalkaasi , inkastoo aysan weli jirin cid sheegatay weerarkaasi xalay lagu qaaday guriga Duq magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Saleebaan Xasan Xadi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker