War Cusub Soomaaliya Kiisaskii U Danbeeyey 146 Qof Oo Laga Helay 7 Oo U Geeriyoodey Convid19
Warbixin kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaliya ayaa waxa ay ku soo bandhigtay kiisas hor leh oo Covid-19 ah oo soo kordhay.
Maanta kaliya ayaa waxaa soo kordhay 73 Kiis, kadib markii Baadhitaan lagu sameeyay dadkaasi sida Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ay sheegtay.
Sida muuqata waxaa sii kordhaya kiisaska Coronavirus ee dalka laga helay, waxaana jirta cabsi xoog leh oo Bulshada dhexdeeda ah, taasi oo ku aadan inuu sii faafo xanuunkaan.