Nabadda iyo Xasilloonida WQ: Rashiid Odowaa

“Nabadey nalkaa daaran

Waxa tahay nimcada eebbe

Nacas kuuma soo dhuunto

Iyo naaqus maan gaab ahi

Kaa naaran kaa naaran

Shaydaanku kaa naaran

Nabadeey nabadeey!!!!”

Marka hore nabadda waxa lagu macneeyaa xaaladda dadku ay ka fayowyihiin dagaal gacan ka hadal budh iyo middiyo la isu soo qaatto iyo dagaal hubka la isu gurto oo xabbadu is waydaarato,marka aanay taasin jirin ayaa waxa la yidhaahdaa nabad ayaa jirta.

Haddii aynu u soo noqonno Xasillooni iyadu way ka xeel dheertahay Nabadda,oo waxay wadattaa wixii ku caawin lahaa inay nabaddu sii jirto.

Erayga xasilooni markiisa hore waxa uu ka yimid marka xooluhu ay si baraad la’aan ah isaga daaqayaan ee aanay ka baqaynin inuu kaynta bahal kaga soo baxo,markaas waxa dhacda xooluhu way iska hor iyo daba jeestaan,sanqadha raamsiga iyo goosashada daaqa iyo neefta ayunba la maqlaa dadka xoolaha raacaa markaas ciyaar kale ayay ku mashquulaan sida shax,luuf ama ciyaaro kale, sidoo kale marka nabad beeshu ku nagidahay ee barwaaqo ay tahay xooluhuna ay dhalaan ee caanaha laga dhergo wax war ah aanu jirin iyadana waxa la ydiahaa beeshu way nagidahay macnaha way Xassiloontahay.

Haddaba Johan Galtung oo loo yaqaan (Father of peace) waxa uu nabadda u qaybiyay laba nooc 1-nabadda Taban ( -) oo ah marka ay dhacdo xabbad joojin hase ahaatee laga baqayo in mar kale ay dib u bilaabanto,iyo nabadda Togan(+) waxa uu ku macneeyay marka nabaddu salka dhigto ee ay jiraan wax kasta oo caawinaya inay sii waarto nabaddaasi waxana ka mid ah waxyaabaha caawiya inay nabaddu waarto, waa I n la helaa;-

1-Dowladnimo adag oo aan qof iyo koox u habranayn,waaa inuu sharcigu sarreeyo.qof kastaana uu yaqaanno kaalinta uu kaga began yahay qaranka.

2-inaan laga war war qabin gaajo,macaluul iyo cudurro faafa haddii ay yimaaddaan loo heli karo wax lagaga gaashaanto.

3-Waa in aanay jirin caddaalad darro iyo musuq maasuq baahsan.

4-Waa in qaranku yeesho siyaasad wakhtiga dhow iyo wakhtiga fog labadaba.xagga arrimaha gudaha iyo dibaddaba.

5-Waa in uu jiraa Horumar la jaanqaadi kara wakhtiga jooga iyo wakhtiga soo socdaba.(Sustainable Development).

6-Waa in dadka la baraa (Civic Education) oo la bara waddaniyadda iyo qiimaha ay leedahay haddii waddaniyadda dadka la bari waayo waxay baran doonaan qabyaaladda.

7-Waa in arrimaha bulshada wax laga qabto sida fayo dhowrka,caafi maadka,iwm.

Waxyaabahaas oo dhan marka ay isku hagaagan ayaa la odhan karaa waxa la gaadhay nabadda Togan (+).taas oo umaddi ku sii jiri karto haddise maalinba oday ama shakhsiyaad ay hanjabayaan waxa lagu qiimaynayaa Nabadda Taban (-),waxaynu jecellahay inay nabaddu saldhigto oo laga baxo jaahilnimada iyo waxyaabaha ragaadianaya umaddnimada.

 

Rashiid Odowaa  M.A Diplomacy and IR

Khadarsalaan@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker