Gool-hayihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Lagu dhex dilay Masjid

Wararka ka imanaya  gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in xalay  degmada Afgooye lagu dilay, goolhayihii kooxda Banaadir iyo xulka Qaranka Soomaaliya Cabdiwali Colaad Gaatimow.

 

Marxuumka ayaa la sheegaya, in uu Salaada Taraawiixda ku dukanayay masaajid ku yaallo Degmada Afgooye, waxaana gudaha Masaajidka ugu galay rag hubaysan oo rasaas ooda kaga qaaday.

 

Gaatimow, ayaa hadda wuxuu ahaa Guddoomiyaha Ciyaaraha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, sidoo kalena ciyaaryahan khabiir ku ah dhanka arrimaha Sportiga, si weynna dalka looga yaqaan.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya, in kooxihii dilay Marxuumka ay ka baxsadeen Masaajidka dhexdiisa, kadib markii ay toogteen Marxuumka.

Marxuum Cabdiwali Colaad Gaatimow.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker