Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saddex masuul oo ka tirsan dawladda Liberia oo Lala xidhiidhiyaay musuq maasuq

Waaxda Maaliyadda ee dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saddex masuul oo ka tirsan dawladda Liberia, oo uu ku jiro agaasimaha xafiiska madaxweyne George Weah, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen hawlo musuqmaasuq.

Saraakiisha kale ee cunaqabataynta lagu soo rogay ayay ka mid yihiin, xeer-ilaaliyaha guud ee Liberia Sayma Syrenius Cephus iyo Bill Twehway oo ah agaasimaha maamulka ee hay’adda maamusha dekedaha dalkaas.

“Musuqmaasuqa ay sameeyeen saraakiishani wuxuu wiiqayaa hannaanka dimoqraadiyadda ee Liberia, iyaga oo u sameeyey si macaash shakhsi ah u sameeyaan,” ayuu yidhi Brian Nelson, oo ah kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Maraykanka u qaabilsan hawlaha la dagaalan argagixisada iyo la socoshada lacagaha.

Xoghaye ku xigeenka maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadani ay muujinayso sida dawladda Maraykanka ay uga go’an tahay la xisaabtanka shakhsiyaadka ku lugta yeesha hawlaha musuqmaasuqa ee dalka Liberia.

Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker