Dawlada Liibiya Oo Awood ku Muquunisay Mucaaradkii kasoo HorJeeday ka dib Taageeradii Turkiga
Dowladda uu caalamku Aqoonsan yahay ee dalka Libya ayaa sheegtay in ay dishay Dagaal Yahano daacad u ah General Khalifa Xaftar oo Hoggaamiya garabka dagaalka adag kula jira dowladda taagta daran ee Libya.
Dowladda ayaa ku sheegtay in dagaalamayaasha ay dishay ay tira ahaan gaadhayaan illaa sideed xubnood.
Afhayeenka dowladda ay Qaramada Midoobay Taageerto ayaa sheegay in sii xoojiyeen dagaalkooda ka dhanka ah maleeshiyaadka fadhigoodu yahay bariga dalka Libya.
“Ciidamada dowladda sharciga ah ee Libya waxay maalmihii lasoo dhaafay dib ula wareegeen magaalooyin istaraatiijiga ah ee Libya, ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay xukuumadda Triboli.
Bishii April ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu bilawday dagaalka ay ciidamada daacada u ah General Khaliifa uga soo hor jeedaan dowladda fadhigeedu uu yahay magaalada Tripoli ee caasimada dalka Libya.
Dagaalka labada dhinac ayaa sanad jirsaday, waxaana kala taageeraya dowladaha ugu quwada roon caalamka.