Daawo:Falan-qaynta Ciyaaraha ,, David Backham oo kala Saaray Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi

Xiddigii hore ee kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ee David Beckham ayaa qaab cusub usoo afjaray dooddii u dhaxaysay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ee ahayd siday u kala Wanaagsan yihiin  iyo waxyaabaha ay is-dheer yihiin.

 

David Beckham waxa uu sheegay in Leo Messi uu ‘garbaha iyo madaxaba ka sarreeyo Cristiano Ronaldo, marka ay nqooto in si shaqsiyan ah loo tartansiiyo midkooda wanaagsan xirfad ahaan, laakiin ay labadooduba yihiin laacibiin fiican.

 

 

Beckham oo laba jeer uu Cristiano Ronaldo uga dambeeyey labadii kooxood ee Manchester United iyo Real Madrid, waxa uu tilmaamay in laacibka reer Portugal ee sannadkiisii labaad ku qaadanaya Juventus aanu gaadhsiisnayn heerka xiddiga Barcelona iyo Argentine ee Messi.

 

 

Isaga oo la hadlayay idaacadda fadhigeedu yahay Argentine ee Telam, waxa uu David Beckham yidhi: “Messi ciyaartoy ahaan waa mid gaar ah, mana jiro qof isaga la mid ah.   Cristiano Ronaldo-na Magaadhayo Messi

 

 

David Beckham waxa uu xasuustay xili ciyaareedkii 2012-13 oo ay iskaga hor yimaaddeen ciyaar dhex-martay PSG iyo Barcelona, waxaanu yidhi: “Waanu iska hor nimid, wuu yimid kaddibna Barcelona way dhalisay. Ka sokow da’dayda, waan ka helay ciyaarista, kooxduna si fiican ayay u ciyaartay labadii lugoodba. Waxaanu samaynay waxyaabo aanu ku faraxsanahay, namanay garaacin.”

 

 

 

Labada ciyaarood ee ay xilligaas yeesheen Barcelona iyo PSG ayaa ku dhamaaday barbarro, iyadoo lugtii hore ee Parc des Prince ay ku kala baxeen 2-2, ciyaartii labaad ee Camp Nou na 1-1, taas oo siisay Barcelona in farqiga goolasha martida ay kusoo baxdo, ka hor intii aanay Bayern Munich xasuuqa ugu geysanin labadii ciyaaroodba oo aanay ku garaacin 7-0.

 

FALAN-QAYNTAAS OO FAAHFAAHSAN HALKAN HOOSE KA DAAWO

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker