In ka badan 60 qof oo lagu dilay Gaza

In ka badan 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur yar yar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn ay ciidamada Israโ€™il Talaadadi shalay ilaa xalay saqdi dhexe ku beegsadanayeen koofurta iyo bartamaha Gaza.

Meelaha ay ciidanka Israโ€™il gantaallada ku garaaceen ayaa waxaa ka mid aheyd goobo ay Israโ€™il u asteysay dhul zoon nabad ah oo ay dadka barakaca ah ku nabad-gali karaan.

Duqeynti ugu dhimashada badneyd ayaa Talaadadi shalay ka dhacday waddada weyn ee dhaxda ka marta suuqa magaalada Khan Younis, gaar ahaan xaafadda Muwasi.

Saraakiisha isbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 17 qof.

Duqeymo kale oo Isniintii iyo Talaadadi ay Israโ€™il ku garaacday xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat iyo Zawaida ee bartamaha Gaza, ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 24 qof lagu dilay.

Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Al Aqsa ayaa sheegay, degmada Deyral-balax in dadka la dilay ay ku jireen 10 haween ah iyo afar carruur ah.

Degmada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ciidamada Israโ€™il dagaalka ka wadeen tan iyo May, ayaa la xaqiijiyay in 5 Falastiiniyiin ah lagu dilay kaddib duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israโ€™il ku beegsadeen guri ay dadkaasi ku noolayeen.

Israโ€™il ayaa maalmihi lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada cirka ah oo ay ku beegsaneyso xaafadaha dadka rayidka ah. Milatariga Israโ€™il ayaa sheegay in ay ku daba-jiraan saraakiisha Xamaas.

Hase yeeshee, Xamas ayaa sheegtay, in duqeymaha aanan kala goโ€™a laheyn ee ay ka waddo Gaza ay uga gol-leedahay in ay ku fashiliso wadahadallada xabbad-joojinta ee ay garwadeenta ka yihiin Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker