Sarkaal Lagu Dilay Dagaal Dhexmaray Ciidamada Puntland

Wararka ka imaanaya  gobolka Nugaal ee maamulka Puntland  ayaa sheegaya in maanta oo Jimce ah nawaaxiga degmadaasi is-rasaasayn kooban ku dhexmartay ciidamo ka wada tirsan Daraawiishta Puntland.

Saraakiil diiday in magacyadooda la xigto, ayaa  warbaahinta u  xaqiijiyay in is-rasaasayntu dhexmartay askar ka tirsan Ciidanka   Puntland oo gaadhi dagaal kala soo baxsaday buuraleyda Galgala iyo ciidan kale oo kamid ah Daraawiishta, kuwaasi oo is-hor taag ku sameeyay, xilli ay marayeen nawaaxiga degmada Dangoroyo.

 

Is-rasaasaynta labada dhinac dhex martay, ayaa sida la xaqiijiyay waxa ku geeriyooday sarkaal magaciisa lagu sheegay Axmed Careef oo ka tirsanaa Istaafka Taliyaha Ciidanka   Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere.

 

Balse, lama soo werin khasaare kale oo ka dhashay isku-dhacaas, waxaana dhammaan gacanta lagu dhigay askartii gaadhiga la soo baxsaday oo xabsiga loo dhaadhiciyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker