Dowladda Soomaaliya Oo Taageero u muujisay boqorka Dalka Jordan (Urdun)

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay boqor Cabdallaha Dalka Jordan (Urdun) kadib tallaabada lagu xiray walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuuri rabay halkaas.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada”

Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu u soo diray warbaahinta , kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda Dalka Jordan (Urdun) musuq maasuq iyo maamul xumo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker