Hay’adda Bisha-cas oo Toddobaadkii Labaad Wacyigelinta Cudurka Corona Virus Kawadda Degaanno Gobolka Sanaag ah

 

 

Ceerigaabo(OWN) Hay’adda Bisha-cas ee gobolka Sanaag oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka ayaa toddobaadkii labaad waxay wacyigelinta cudurka safmarka ah ee Corona Virus ka waddaa degmada Ceerigaabo iyo degaanno kale, waxana hay’addani cod-baahiyayaal kurakibtay gawaadhi yar yar kuwaasoo si joogto ah u tebinaya farriimaha caafimaad ee lagaga hortegi karo xanuunka xilligan dunida faraha ba’an kuhaya ee Corona Virus, gaadiidkaas iyo shaqaalaha saaran oo codka ay tebinayaan meelo dhaadheer laga maqli karo sidoo kalena meelo  kala duwan oo badan miyi iyo magaaloba muddooyinkanba lagu arkayey.

 

Waxana sidoo kale xusid gaar ah mudan in muddadii xanuunkani jirey hay’adda bisha casi magaalada Ceerigaabo boqol qof inkabadan kusiisay tababbarro kusaabsan sida laysaga ilaalin karo ama looga hortegi karo xanuunkan, sidoo kalena agabka faraxalka iyo waxyaabaha kale ee nadaafadda kaqayb qaadanayaba isugu jira hay’addani gaadhsiisey toban goobood (MCH-yo) oo xarumaha caafimaadka ah oo kukala yaalla degaanno gobolka Sanaag ah.

 

Dhinaca kalena bulshada ayaa siweyn u hadal haya in wacyigelinta ugu ballaadhan ee ay heleen muddadii xanuunkani jirey ay tahay wacyigelintan hay’adda bisha cas ay u tebinayso ama gaadhsiinayso. Inkastoo ay jiraan codad wacyigelineed oo telefoonnada laga maqlayo haseyeeshee taasi ay tahay wax qofkii mobile haysta islamarkaasna cid kale waca oo keli ahi uu maqli karo, balse ay jiraan dadka qaarkood oo duruuftu usaamaxi weydey wacyigelinta moobillada laga maqli karo.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker