Cali Khaliif Galaydh Miyaanu Ahayn Muwaadin Somaliland u Dhashay?

Marka hore aan idhaahdo Alle ha u naxariisto marxuum Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan xaqii ku haleelay magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomalida Ethiopia, kaasi oo ilaa hadda warar kala duwan ka soo baxayaan sidii geeriduusu ku timi. Sida ay doonto ha ahaatee waxa xaq ah in qof waliba dhadhamin doono geerida oo aanu gafayn.

Wararka laga helayo ehelkiisa oo BBC da la hadlay ayaa sheegay in Muqdisho lagu aasi doono, taasi oo aan is leeyahay waa xil gudasho la’aantii ay Somaliland caanka ku ahayd tan iyo intii la abuurayba. Bal tiri ragga caanka ahaa ee ay ahayd in Somaliland loogu sameeyo aas qaran ee quroomo kale ku faaneen Cumar Dhuule Cali, Maxamed Saleebaan Tubeec, Xuseen Aw-Faarax iyo iminka oo la sii wado Alle ha u naxariisto e’ Professor Cali Khaliif Gayaldh.

Waxaan xusuustaa mudo ku dhow saddex sanno ka hor aniga oo maraya barxada hore ee Maan-soor Hotel oo uu isna ka soo baxay dhinaca kadinka hore ee Hotelka. Inta aan joojiyay ayaan kula kaftamay hadal run ah oo uu isna ka garaabay.
waxaa wehelinaysay gabadh aan da’deeddu aad u waynayn oo aan kolayba
U qaatay inuu waalid u ahaa. Salaan ka dib waxa aan ku idhi “Caliyow dadka reer Somaliland waa isku mid dhan kasta oo laga eeggo haddii ay ka yimaadeen Maroodi-jeex, Sool ama Togdheer ee waxa kaliya ee ay la’yihiin waa siyaasiyiintii hanan lahayd ee isku duba ridi lahayd si wada jirana u hawl galin lahayd” iyadoo aan uga jeeday uma baahna kala qaybin sida beel dhexe ama kuwa Darafyadda iyo wixii la mid ah, ama se Khaatumo iyo maamul goboleed laga dhex qotomiyo. Somaliland ee waxa ay u baahan tahay kuwa aan anigu u aqaan Adeegayaal Bulsho, dadka intiisa badanina u yaqaaniin siyaasiyiin.

Waxyaabihii aan jeclaa inaan ku sii idhaadhdo haddii aanu wakhti badan isku heli lahayn waxaa ka mid ahaan lahayd, Somaliland waxa ay u baahan tahay dastuurka qaranka oo lagu sameeyo dib u habayn balaadhan. Si uu u noqda mid u wada cuntama Somaliland iyo dadkeeda oo dhan, loogana gudbo buug yarahan ay ka tageen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Qaybe iyo ninkii Soodaani ahaa ee dastuurka wax ka qoray oo ku qaadan jiray $500 maalintii horaantii 2000, Kaasi oo ahaa mid khabiir ku ah sida loo qoro dastuuradda lamase mahadin buug yarahaa lagu tilmaamo inuu yahay Dastuurka Somaliland.

Markaa waxaan qabaa anigu in loo baahan yahay in Somaliland dastuurkeeda lagu sameeyo dib u habayn ama waxaan afka qalaad lagu yidhaahdo Reform of Constitution haddii la doonayo Somaliland siman oo ka kooban intii wada dagaysay
Dhulkaa la isku odhan jiray British Somaliland. Haddii kale kala socodkaa iyo kala sheegashadaa ayaa uu wakhtigu kaga dhamaan Somaliland mana aha beelaha darafyadda uun, meeye ardaayaddii kale sida Gobooye,Tumaal iyo Yibro miyaanay deegaan iyo muwaadiniin reer Somaliland ah ahayn iyaguba?

Taas ayaan Cali Khaliif Alle ha u naxariistee u soo jeediyay in kastoo mudo kooban aanu wada taagnayn haddana si caqli badnaan ah ayuu ii dhagaystay. Waxaan u sheegay uun in Somaliland u baahan tahay dastuur u wada adeega iyo adeegayaal Bulsho ama siyaasiyiin danta qaranka ka wada shaqaysa. Inta kuwaa la helayo Somaliland noqon mayso qaran jira oo caalamka ka tirsan hadii kale iyadoo sidaa u yowyowtamaysa ayuu wakhtigu kaga dhamaan oo shinbiruhu ku ciyi.

Aan u soo noqdee meeday xukuumaddii Somaliland ilaa hadda lagama hayo inta ay u yar tahay tacsi ay dirtay oo ay gaadhsiisay qoyskii Cali
Khaliif Galaydh iyo qaraabadiisii iyo ummadda Somaliland oo uu ka baxay. bacdamaa uu ahaa qof u dhashay qaranka Somaliland marka laga tago
kala duwanaansha siyaasadeed ama afkaareed taasi oo aan ka xayuubinayn dhalasho ahaan halka uu ka soo jeedo. Maalmo ka hor geeridiisa
ayuu dhaliilayay Farmaajohan iminka iska oohinaya ee leh waan tacsiyadaynayaa iyo aas qaran ayaan u samaynayaa.

Maxaanse kula yaabi Somaliland iyo Xukuumadeedda meel ay jaan iyo cidhib dhigeen lama hayo geeridda Cali. Maye golihii Wakiiladda iyo Shirgudoonkooddii? Maye guurtiddii? Mise guurti dhaba oo xul ah waxaa inoogu danbaysay Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar iyo raggii Somaliland badbaadiyay oo uu ka nool yahay Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawahar.
Geeridda Cali waxa ay ifka u soo saartay sida aanay Somaliland u lahayn siyaasiiyin dhaba oo la tirsado marka laga tago kuwo magac u yaala.

Haddii arinku sidaa ka duwan yahay oo ay Somaliland leedahay hogaan dhaba iyo siyaasiyiin wax garad ah waxa la maqli lahaa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi (Dameere) iyo Xukuumadda oo gaadhsiiyay tacsi isla judhiiba qoyskii Cali iyo qaranka Somaliland ba. Waxaana la qabanqaabin lahaa aas qaran iyadoo lagala arrinsanayo qoyskii Cali Kahliif Galaydh. Haddiiba ay si kale u dhacdo oo ay suurta gal noqon waydo in Cali lagu aaso Somaliland, waxaynu noqon lahayn qaran Cali Khaliif Galaydh dan ka leh oo isna uu u dhashay waajibkiisiina gutay.
Laakiin sidan xaal yahay ee aan jabaq laga hayn Somaliland iyo saddexdeeddii gole waa inaanu Cali Khaliif Galaydh ka mid ahayn muwaadiniintii u dhalatay dalka Somaliland oo la dafirsan yahay. Taasna waxaa lagala xisaabtami oo taariikhdu u diiwaan galin xukuumadda Muuse Biixi Cabdi (Dameere) iyo labadda gole ee fadhiidka ah; ka Wakiiladda iyo Guurtidda. Waana mar kale oo ay habow cagta u saareen hadba kuwo loo igmado inay qaranka u raraan meel naq leh hase ahaatee ku fura Lama dage. Aan ku soo gabagabeeyee Cali Khaliifoow Alle Godka ha kuu nuuriyo oo naxariistiisa hakuugu deeqo. Waa lagu gabay sidii loo gaasiray Cumar Dhuule Cali, Xuseen Aw-Faarax Dubbad, Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Cali Sandulle dhamaantood alle ha u naxariisto.

AMIIN… AMIIN…

Qore: Cabdi Muhumed

Cabdimuhumed60@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker