Maxkamad ku taalla Kenya oo soo saartay go’aan ciidanka Kenya la xidhiidha

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa dowladda ka hor istaagtay in ay ciidamo boolis ah geyso dalka Haiti si ay ula dagaalamaan kooxaha burcadda ah.

Xaakimka ayaa ku dooday in geeyista ciidamadan ay noqon doonto mid sharci darro ah maadaama golaha ammaanka qaranka uusan lahayn awood sharci oo ay booliska ugu diri karaan meel ka baxsan Kenya.

Waxa uu intaa ku daray in goluhu kaliya geyn karo ciidamo hubeysan oo loogu talagalay howlgallada nabad ilaalinta sida Haiti.

Sannadkii hore, Kenya waxay si mutadawacnimo ah ugu tabarucday inay hogaamiso ciidan ammaan oo caalami ah oo la geeyo Haiti si ay u joojiyaan rabshadaha burcadda.

Raiisel wasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa sanadkii hore ka codsaday Qaramada Midoobay in si deg deg ah loo geeyo ciidamo caalami ah.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay hareeyeen kooxo burcad ah oo maamula 80% magaalada caasimada ah ee Port-au-Prince.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray in Kenya ay hogaamiso ciidamadan, waxaana xildhibaanada Kenya ay sii guda galeen ansixinta ciidamadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker