Maaraynta Isku-buuqa Qaybta kowaad

Maaraynta Isku-buuqa  (Stress Management)

Qaybta: 1aad

Caalamkan casriga ah, dhallinyarada waxa ugu badan ee ay la kulmaan ayaa ah; isku buuq ka dhasha waayaha ku adag ee ku xeeran noloshan casriga ah.

waxa aad u batay baahiyihii qofku qabay, sida shaqada, lacagta, sumcadda, samaysashada qoys, xorriyadda, horumarka, hoggaaminta iyo guulaha kale ee nololeed ee qofku inta uu nool yahay gaadhi karo.

Maxaa keena xaaladdan?

1: Qofka oo la kulma xaalad shaqo la’aan, taas oo sababaysa in aanu qofku iskii u noolaan karin ilaa uu cid kale ku tiirsanaado mooyaane

2: Qofka oo la kulma guuldarro ka soo wajahda dhanka shaqada, waxbarashada, han uu leeyahay, qoyska, asxaabta iyo dhammaan hawlaha nololeed ee uu ku fooggan yahay

3: Qofka oo uu qalbigiisu ka dheeraado Illaahay (S.W) kana gaabiya waajibaadka Alle dusha ka saaray Aadmiga

4: Qofka oo iska indho-tira xaqiiqada nolosha uu ku sugan yahay

5: Qofka oo isticmaala noocyada kala duwan ee balwadaha, sida daroogooyinka kala duwan

6: Qofka oo la tacaalaya dhibaatooyin dhanka qoyska ah oo uu la nool yahay, waxbana aanu ka qaban karin

7: Qofka oo aan ku qancin qadarta haleesha, rumaynteedana iska diida

8: Qofka oo doona wax ka badan waxa uu u qalmo ee uu istaahilo in uu helo

9: Qofka la saaxiiba asxaab fikirro khaldan la nool

10: Qofka oo uu ka khalkhalo qorshaha hamigiisa nololeed

11: Qofka oo yeesha caadooyin wax u dhimaya waxsoosaarkiisa shaqsiyeed

12: Qofka oo ku nool qaab nololeed aan horumarkiisa ka shaqaynayn

13: Qofka oo waaya xorriyaddiisa

14: Qofka oo la kulma fadeexad sumcaddiisa dhaawacaysa

15: Qofka oo aan samir iyo adkaysi u lahayn duruufaha uu la nool yahay ama la kulmi doono

16: Qofka oo inta ugu badan ka fikira nolosha mustaqbalka

Dhammaan qodobadan iyo kuwo kale oo badani, waxa ay sabab u noqdeen in dhallinyaro badani, nolosha la noolaato fikirro murugo ku dhisan iyo quus; kuwaas oo ugu danbaynta keena in uu qofkaasi toos uga dhaco sallaanka nolosha oo uu is dhiibo.

La soco qaybaha danbe….

 

#Tudhaale2020

La wadaag asxaabtaada!

 

Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker