Dibad-Baxayaasha Sudan Oo Diiday Wada-Hadal

Mauuliyiinta Hogaaminaysa Debedbaxayaasha  dalka Sudan ayaa diiday soo jeedinta ah inay wada-hadal la galaan jeneraalada militariga, ayaga oo baaqaas ugu yeeray mid aan daacad laga ahayn, xilli ciidamada ammaanka ay sii wadaan beegsidooga ka dhanka ah dibad-baxayaasha oo toddobaadkan ay ku dhinteen 100 qof.

Afhayeenka xirfadlayaasha Sudan, Mohammed Yousef al-Mustafa ayaa maanta sheegay in baaqa Jeneral Abdel-Fattah Burhan “uusan ahayn mid dhab ah,” islamarkaana “kuwa isaga ka amar qaata ay dileen dad reer Sudan ah ayna sii wadaan inay sidaas sameeyaan.”

Xiriirkan oo ka mid ah isbahaysiga ciidamada xoreynta iyo Is-beddelka oo ah isbahaysiga matalaya dibad-baxayaasha ayaa taa beddelkeeda sheegay inay sii wadi doonaa ololaha dimoqraadiyad doonka ah, si ay militariga ugu qasbaan inay maamulka dalka usoo gacan geliyaan shacabka, sida uu sheegay al-Mustafa.

Jeneral Burhan oo ah madaxa Golaha Militariga ayaa arbacadii sheegay in hogaamiyayaasha militariga ay diyaar u yihiin inay wada-hadallo dib ula billaabaan hogaamiyayaasha dibad-baxyada, si aan xadidneyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in kuwa ka mas’uulka ah weerarkii lagu qaaday dadka waday banaanbaxyada fadhigga ah ee ka socda dibedda wasaaradda gaashaandhigga lala xisaabtami doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker