Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa mar qudha is qabsaday rasaas xooggan oo dhammaan degmooyinka Gobolkani Bnaadir si weyn looga maqlay, waxaana billawday dagaal toos ah oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Ciidamo Midowga musharixiinta.
Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka billawday Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana si aan kala jogsi lahayn lo maqlayay jugta rasasta kala duwan ee ay isku adeegsanyeen labada dhinac.
Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay in ay weerar ku qadeen Ciidamada ilaalada u ahaa Madaxweynayahii horee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed, waxaana ka hadlay dagaalka qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha, kuwaasi oo sheegay in Dowladdu ay kusoo qaadday weerar toos ah.
Aagga daljirka daahsoon oo loogu madalsan yahay Maalinmada berry ah bannaanbax weyn ayuu ka dhacay dagaalku, waxaana la maqlayay jugta rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.
Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheikha Maxamuud oo ka hadlay weerarka Caawa lagu qaaday ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbiraya, “Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga & madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.
Sidoo kale waxaa ka hadlay dagaalka Mushariin kale oo ay ka mid yihiin Shariif Sheikh Axmed iyo Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, kuwasi oo sheegay in dulmi iyo gardaro cad oo uu kusoo qaaday taliska Madaxweyne Farmaajo.
“Weerarka caawa waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse waxaa ilaa hadda la maqlayaa rasaas teel-teel ah oo ay isku adeegsanayaan labada dhinaca.