Maxaad kala Socotaa Tiro Soomaalida ku Dhaqan Hindiya
Wararka aan ka heleyno dalka India ayaa sheegaya in Soomaalida ku nool dalkaas cabsi soo food saartay ka dib markii dhowr qof oo Soomaali laga heley Xanuunka COVID-19 isla markaana tiro kale la karantiiley.
Dadka qaar ayaa sheegayaan in aysan heli Karin dhaqaalihii ku bixin lahaayeen caafimaadkooda maadaama isbitaalada gaarka loo leeyahay lacag yihiin.
Bishaaro Cabdirashiid, oo ka tirsan saafaradda Soomaaliya ee dalkaas ayaa soo sheegaysa in dadka qaar caawimaad yar ka heleen hey’adda qaxootiga QM ee UNHCR.