Shirkadda Facebook oo Xafiiskeedii Labaad ka Furatay Qaaradda Africa
Shirkadda weyn ee dhanka Xidhiidhka bulshada lagana Lee yahayย Mareykanka ee Facebook ayaa ku dhawaaqday inay xafiis ka furanayso magaalada Lagos ee dalka Nigeria sannadka soo socda.
Waxay noqon doontaa xafiiskeedii labaad ee qaaradda Afrika.
Sida laga soo xigtay shirkadda, waxay sidoo kale noqon doontaa xafiiskeedii ugu horreeyay ee Afrika ah oo ay dejiso koox injineero khabiiro ah.
Xafiiskeeda Nigeria wuxuu shaqaalayn doonaa kooxo ka shaqeeya iibka, iskaashiga, siyaasada iyo isgaadhsiinta.
Warbixin ay soo saartay, Facebook waxay ku sheegtay inay rajeyneyso in xaruntiisa cusub ay horumarin doonto badeecooyinka ay dadka Afrikaanka ah u abuureen Afrika iyo adduunka intiisa kale.
Sanadkii 2016, aasaasaha shirkadda Mark Zuckerberg wuxuu booqday magaalada Lagos safarkiisii โโugu horreeyay ee qaaradda.
Shirkadda Facebook ayaa xafiiskeedii ugu horreeyay ee Afrika ka furatay magaalada Johannesburg sanadkii 2015-kii.