Dawlada Maraykanka oo War kasoo Saartay Dagaalka Buulo Xaawo
Dowladda Mareykanka ayaaย War kasoo saartey dagaalkii cuslaa ee duleedka Beled-Xaawo ku dhex-marey ciidanka dowladdu dhawaan geysay degmadaas iyo kuwa Maamulka Jubbaland, kaas oo dhaliyey khasaare kala duwan.
Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamay Beled-Xaawo inay dagaalka joojiyaan wax walbana ku dhameeyaan wadahadal.
โWaxaan ugu baaqeeynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan iska horimaadka hubeysan ee ka socda Beledxaawo. Waxaan ku baaqeynaa in xal nabadeed laga gaadho khilaafka ayaa lagu yidhiโQoraalka dawlada Mareykanka.
Maraykanku ma soo hadal qaadin dagaalka in ay ka qayb ka ahaayeen ciidanka Kenya.
Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay Hogaamiyaasha dhamaan inay muujiyaan dulqaad,kaas oo ay dan ugu jirto ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka.