Madaxwaynayaasha Muranku U dhexeeyo ee Galmudug oo markii ugu Horreysay kulmay

Dhuusamareeb (OWN)ย โ€“ Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta duleedka deegaanka Godinlabe ku soo dhoweeyey Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo weli sheeganay inuu yahay madaxweynaha maamulkaasi.

 

 

Soo dhoweynta loo sameeyey Xaaf oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa halkaasi.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in haatan Qoor-Qoor iyo Xaaf kulamo is-xog wareysi ah ay ku lee yihiinย  deegaanka Godinlabe ee G/Galgaduud.

 

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Xaaf iyo wafdigiisa loo soo galbin doono dhinac magaalada Dhuusamareeb oo wadahadallo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug ay labada dhinac ku yeelan doonaan gudaha magaaladaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka ay wadeen dadaallo lagu qancinayo Xaaf, si uu xilka u wareejiyo.

 

Dhowaan ayaa sidoo kale la filayaa in xafladda caleema saarka oo dib loo dhigay sababo la xariira fayruska Corona lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker