“60 Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab Ayaa La Dilay”Saraakiisha Ciidanka Soomaaliya.

Muqdisho-(OWN)-Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in in kabadan 60 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay duqeyn lagula eegtay inta u dhaxeysa Sanguuni iyo buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyada duqeynta lagu dilay a

yaa qeyb ka ahaa maleeshiyooyin badan oo saaka waabarigii weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin xerada Baar Sanguuni oo qiyaastii 50 dhinaca waqooyi kaga began magaalada Kismaayo.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in xaradaasi uu kadhacay dagaal culus oo dhexmaray labada dhinaca, khasaare dhimashada dhaliyay.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay muddo kooban qabsadeen xerada, balse markii danbe laga saaray kadib markii ciidanka federaalka iyo jubbaland uu gurmad u yimid.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in DIYAARAD loo malaynayo in Maraykanku uu leeyahay ay beegsatay baabuur ay saarnaayeen maleeshiyada al-Shabaab oo marayay meel u dhow deegaanka Sanguuni iyo Buundada Araare.

Warbaahinta kooxda al-Shabaab ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in maleeshiyadu ay qabsadeen xerada Baar Sanguuni, halkaasina ay ku dileen sida ay sheegteen 41 ka tirsan ciidanka federaalka iyo kuwa Jubbaland, sidoo kalena qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker