Al Shabaab Oo Dil ku Fulisay Labo Nin Oo Lagu Eedeeyay inay Ahaayeen Saaxiriin

Al Shabaab ayaa xukun dil ah shalay galinkii dambe ku fulisay labo nin oo Odayaal ah kuwaa lagu eedeeyay in ay ahaayeen saaxiriin ka shaqeeya kala geynta raga iyo dumarka is qaba.

Fagaare kuyaala deegaanka Buulo Fuulay ee gobolka Baay ayaa lagu toogtay labadan nin oo maxkamada Al Shabaab ku heshay in ay ahaayeen kuwa ku shaqeesta sixirka gaar ahaan bur burinta qoysaska dhisan.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa fagaaraha xukunka dilka ah ka dhacayay ka akhriyay dambiga lagu soo eedeeyay labada nin, waxa uuna qaadiga sheegay in ragan qirteen dambiga lagu soo eedeeyay.

Labada nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabayay Xasanoow Caliyoow Max’med oo 64 sana jir ah iyo Cabdi Ibraahim Sheekh oo 78 sana jir ah , waxaana goobta ragan lagu tooganayay ku sugnaa dadweyne badan.

Al Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay maamulaan xukuno dil ah kula fuliyay dad lagu eedeeyay in ay yihiin saaxiriin, waxaana deegaanada ay maamulaan Al Shabaab kusii yaraanaya kooxaha sixirka sameeya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker