Dawlada France oo Maxamed Bin Salman U Diiday inuu Booqdo Qasri ay kaga iibisay $300 milyan

Paris (OWN) – Faransiiska ayaa dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku bah-dilay qasri uu ka Iibsaday Dalkaasi Qiimuhiisuna Gaadhayo boqolaal milyan oo dollar oo ku yaalla magaalada Paris.

 

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa diiday  Cdsi uu dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku doonayey inuu ku booqdo qasriga Louis XIV Palace oo uu ku iibsaday ku dhawaad $350 milyan dollar

Dhowr sano ka hor Sida laga soo xigtay illo wareedyo Muhiim ah , iyo  siyaasiyiin ka tirsan dowladda France, Bin Salmaan wuxuu doonayey inuu waqti ku qaato qasriga Louis XIV oo ku yaalla duleedka Paris.

 

Hase yeeshee, Faransiiska ayaa taas ku gacan seedhay, ayaga oo booqashada Bin Salmaan u arkay mid ceebeyn doonto Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo ku dhex jira xilli xasaasi ah iyo culeys uu kala kulmayo shacabkiisa sababa la xidhiidha inuu ku fashilmay mashaariicdiisa dib u habeynta.

 

Sidoo kale, sababta Bin Salman loogu diiday Booqashada ayaa lagu sheegay inay tahay inay France ay ka cabsi qabto inay culeys kala kulanto dunida maadaama Bil Salman lagu Eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka wariye Jamal Khashoggi.

 

Waxaa intaas dheer, Sacuudi Carabiya oo dhowaanahan aad looga hadal hayey warbaahinta inay jaajuustay suxufiyiin iyo ganacsato dhowr ah oo reer galbeed ah oo siyaasadeeda diidan, taasi oo booqashada Bin Salmaan ee Paris Abuuri karta xiisad siyaasadeed oo madaxweyne Macron uu kula kalmo gudaha dalkiisa.

 

 

Maxamed Bin Salmaan ayaa qasrigan iibsaday xilli uu isku dayayey inuu yareeyo ku tiirsanaan Sacuudi Carabiya ee dhaqaalaha shidaalka. Qasriga Louis XIV Palace ayaa la sheegay inuu yahay kan dunida ugu qaalisan.

 

 

Bin Salmaan ayaa ku caan baxay iibsashadiida Hantida faanka ku dhisan. Sanadii 2016 wuxuu 500 oo milyan oo dollar ku iibsaday doon lagu raaxeysto, halka sanad kadib la shaaciyey inuu ahaa qofka ku guuleystay iibka xaraashka sawir gacmeedka Leonardo Da Vinci ee Salvator Mundi, oo uu ku iibsaday 450 milyan oo dollar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker