Tababaraha Kooxda Liverpool mr Klopp oo Helay Ammaantii abid ugu badnayd ee uu Helo Tababare yurub ah

Saxaafada ugu caansan qaarada Yurub ayaa qaabab kala duwan u amaanay kooxdii xalay loo caleemo saaray boqornimda qaarada Yurub ee Liverpool iyo waliba hoggaanka kooxdaas ee Jurgen Klopp.

Klopp ayaa meel iska mariyay habaarkii guuldarrooyinka Finalada waxaana uu Reds ku hoggaamiyay Champions League markoodii lixaad taariikhda kulankii xalay ka qabsoomay Wanda Metropolitano.

Tababaraha ree Germany ayaa waxkasta oo uu samayn karayay sameeyay xilli ciyaareedkii hore markii ay ku fashilmayeen Final-ka balse waxa uu fursada halkeeda ku qabtay kulankii xalay iyaga oo wax qalad ah ka fogaaday.

Haatan saxaafada iyo wargeysyada ugu caansan Yurub ayaa markooda amaan kala dul dhacay Jurgen iyo wiilashiisa waxaana ay kusoo daabaceen bogagooda ugu horreeyay ee qormooyinkoodii saaka oo Axad ah.

“Liverpool waa horyaal kaddib markii ay garaaceen Tottenham” – Ayuu ugu horreyn yidhi wargeyska The Guardian kaas oo xusay in labada kooxoodba England ka socdeen isla markaana ay Tottenham nasiib darro la kulantay Final-keedii u horreeyay.

“Boqorada Klopp ee Yurub” – Ayuu yidhi wargeyska Mirror kaas oo si gaar ah u calaamadiyay qaab ciyaareedyadii Salah iyo Origi.

Dhinaca kale wargeyska Sunday Echo ayaa bogiisa hore kusoo daabacay qoraal ahaa “Jurgen Cupp” isagoo dhinaca kale ka warramay daqiiqadihii ugu muhiimsanaa ee kulankaas.

Wargeyska The Sun ayaa soo sameeyay laba cinwaan oo kala duwan oo kala ah “Liverpool waa horyaal” iyo “Salah iyo Origi ayaa caleemo saaray Liverpool” waxaana ay sidoo kale si gaar ah u calaamadiyeen bandhigyadii Salah iyo Origi.

Wargeyska ree Germany ee Bild ayaa isagu dhinaca saaray Klopp maadaama uu dalkooda kasoo jeedo waxaana ay amaanta cinwaankooda sal uga dhigeen Jurgen iyaga oo soo qoray “Klopp waa boqor la caleemo saaray”

Ugu dambayn, Wargeyska ree Talyaani ee Corrierre dello Sport ayaa sidoo kale amaanta cinwaan uga dhigay Jurgen Klopp waxaana ay cinwaankooda kasoo dhigeen “Boqor Klopp”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker