Wasaaradda Caafimaad Somaliland oo digniin kasoo saartay isticmaalka noocyo kamida Daawooyinka.

Hargaysa:(OWN)–Hay’adda Maamusha Tayo’da Dawooyinka iyo Cuntada ee loo soo gaabiyo (FDA), ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga digaysay dawooyin dhowr ah oo ay ka mid ahayd daawadda Valsartan, in dib loogaga soo celiyo 52-dal oo ay gaadhay dawooyinkaas, taasoo ay ku sababeeyeen in shaybaadhadii lagu sameeyey, ay ku ogaadeen inqaybo ka mid ah dawodan ay ku jirto walaxda kimikal ah ee ” N-nitrosodimethylamine (DNDMA), walaxdaas oo keeni karta xanuunka Kanserka ku dhaca Aadamaha.

Kaddib, markii uu soo gaadhay war-saxaafadeedkaasi Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qaaday hawl-gal ay ku soo ururinayso dawoddan shirkaddaha ka ganacsadda soo dajinta Dawooyinka.

Shirkad ka mid ah shirkaddaha soo dajiya Dawooyinka ee magaceeda la yidhaado, Balsam (Balsam Pharmaceutical Company) ayaa ku wareejisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka3020-kartoon oo ah daawadda Camoval oo ka koobneyd (Amplodipine 5mg + Valsartan 160mg) iyo (Amplodipine 5mg + Valsartan 80), taasoo, lagu gubay goobaha loogu tallo talagay dawooyinka wakhtiga isticmaalkooda dhaafa ama xumaada.

 

Dhinaca kale, Af-hayeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane, Cabdilaahi Cabdi Yuusuf, isagoo ka duulaya siyaasadda Daawooyinka caafimaadka u dajisan, ku wargaliyey dhamaan goobaha keydka daawooyinka, goobaha dawooyinka ganacsiga, goobaha adeegyadda caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo Cusbitaaladda, in dib ugu soo celiyaan dawodaas waaxda dawooyinka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

 

 

Waxa kale oo uu u digay in aanay isticmaalin dadka qaba wadne xanuunka dawodan, waxaanu intaasi ku daray, goobaha adeegyadda caafimaadka gaarka loo leeyahay ee lagu arko iyagoo iibinaaya ay tahay dambi weyn oo ay ku muddan doonaan, in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, cidii u hoggaasami weyda arrintan.

 

Sidoo kalena, waxa ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku hawlan tahay sidii ay u sameyn lahayd baadhitaano iyo kormeer la xidhiidha dawodaas sidii loogaga xakameeyn lahaa suuqyadda ganacsiga dawooyinka iyo goobaha adeegyadda caafimaadka gaarka loo leeyahay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker