Diyaarad Milatari Oo ku burburtay koonfurta dalka Filibiin

Diyaarad Milatari oo daabulaysa ciidamo ayaa ku burburtay koonfurta dalka Filibiin kadib markii ay isku dayday in ay soo cagadhigato dhabbaha garoonka jasiirada Jolo, oo kun-km koonfur ka xiga caasimada Manila

Taliyaha militariga Janaraal Cirilito Sobejana ayaa saaka saxaafada u sheegay in ugu yaraan 40 qof laga soo badbaadiyay burburka diyaarada C-130,ka dib kolkii ay isku dayday in ay soo cagadhigato wadada garoonka diyaaradaha,balse la sheegay in ay u suurtagali weysay.

Diyaaradaan burburtay ayaa ka mid aheyd diyaaradihii ay dhawaan lawareegeen ciidamada Filibiin bishii Febraayo ee lasoo dhaafay,waxayna daabulaan ciidamada iyo shaqaalaha mileteriga.

Shilkan ayaa dabasocda diyaarad Helicopter ah oo loo yaqaan Black Hawk oo burburtay bishii la soo dhaafay,xilli ay ku guda jirtay tababar,waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee la socday.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker