Xisbiga KULMIYE Ee Gobolka Saaxil Oo Liiskii Musharaxiinta Gobolkaas Ku Wareejiyeen Guddida Doorashooyinka
uddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Sacad Cilmi Guuleed ayaa sheegay Liiska musharaxiinta golaha deegaanka iyo Wakiilada ee gobolka Saaxil inay ku wareejiyeen komishanka doorashooyinka qaranka.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Sacad Cilmi Guuleed ayaa waxa uu sheegay xisbi ahaan xubanhii doorashada isku sidkan ee wakiilada iyo deegaanka ugu dartamayay gobolka Saaxil inay ku wareejiyeen wareejiyeen komishanka doorashooyinka qaranka.
Sidoo kale waxa uu komishanka doorashooyinka qaranka ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen socod siinta arrimaha diiwaan gelinta iyo kaadh qaadashada.
Waxaanu shacabka ugu baaqay inay taageeraan una codeeyaan musharaxiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil.