Waxaan Xilkaygii uga Tegay Ficil Anshax daro ah oo aan Sameeyay Raiisul wasaare Ku Xigeenkii Dalka Austria .oo iscasilay

 

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Austria Heinz-Christian Strache ayaa xilka iska cailay kadib markii uu soo baxay muuqaal laga arkayo isagoo wada hadal ku saabsan qandaraasyada dowladda kula jira maalgashade Ruush ah, isagoo taas baddalkeedana ka doonayay in laga caawiyo ol’olihii doorashada.

Mr Strache, oo tan iyo sanadkii 2005-tii hoggaaminayay xisbiga midigta fog ee Freedom Party, ayaa sheegay in xilalka ra’iisul wasaaraha iyo madaxa xisbigaba uu ku wareejiyay wasiirka gaadiidka oo lagu magacaabo Norbert Hofer.

Wuxuu sheegay ficilkii uu sameeyay uu ahaa mid edeb darro ah oo aysan mas’uuliyad ku dheehneyn, wuxuuna ka raalli galiyay cid walba oo ay saameyn ku yeelatay arrintaas.

Hase ahaatee, waxa uu intaas ku daray inuu dhibane u noqday weerar siyaasadeed oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay, uuna qaado doono tallaabo dhinaca sharciga ah.

Muuqaalka la shaaciyay ayaa ahaa mid si qarsoodi ah loo duubay wax yar kahor doorashadii waddankaas ka dhacday sanadkii 2017-kii.

Ruushka ayaa horay looga xiriiriyay doorashooyin dhowr ah oo ka dhacay dalal ka tirsan caalamka, waxaana soo baxayay macluumaad ku saabsan inay farogalin saameyn leh ku sameeyeen.

Dalalka doorashooyinkooda lagu tuhmay inay shakhsiyaad ruush ah faro galiyeen waxaa kamid ah Madagascar iyo Mareykanka.

Mareykanka waxaa wali ka socda baaritaannada ku saabsan sidii ay Ruushka ugu lug lahaayeen ol’olihii doorashada ee uu kusoo baxay madaxweyne Doland Trump.

Baaritaanka doorkii Ruushka ee doorashadii Mareykanka

Robert MuellerRobert Mueller

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sanadkii 2017-kii sheegtay in dacwadihii ugu horreeyay ee ku saabsan faragelinta la sheegay in dowladda Ruushka ay ku sameysay doorashadii ka dhacday Mareykanka 2016-kii loo gudbiyay waaxda dembi baarista ee Mareykanka.

Tallaabadan ayaa waxaa oggolaaday guddi garsoorayaal oo laga soo xulay dadweynha Mareykanka. Waxaana ilaa iyo iminka aan la ogeyn waxa dacwadan ay ka kooban tahay iyo dadka lagu tuhmayo.

Baaritaanadan oo uu horkacayo Robert Mueller ayaa bilowday bishii May ee 2017-kii, waxaana guddigan ay shegeen inay baarayaan suurta galnimad in Ruushka uu farageliyay doorashadii Mareykanka iyo in kooxdii ol’olaha doorashada ee madaxweyne Trump uu wax xiriir ah kala dhaxeeyay xukuumadda Moscow.

Madaxweyne Trump ayaa horay u sheegay in wax xiriir ah oo qarsoodi ah uusan kala dhaxeynin Ruushka, waxaana sidoo kale eedeymahaasi beeniyay dowladda Ruuhska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker