Soomaaliya Oo Laga Dhawaaqay in la joojiyo Qaadka laga keeno dalalka deriska ah

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,waxaa ka qeyb galay guddiyada Arrimaha Bulshada,Gaadiidka iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Ajendaha Kulanka waxa uu ahaa saameynta iyo Khatarta Cudurka Coronavirus uu ku yeelan karo dalkeena,maadaamaa kiisas cudurkaas ka mid ah laga helay dalalka Kenya iyo Ethiopia oo labadaba deris la ah Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Jowhar ayaa ku baaqay in Shacabka looga baahan yahay taxadar Badan oo ay ka mid tahay in gebi ahaanba la joojiyo Qaadka dalka ka soo galaya dalalka deriska ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Kulanka ka qeyb galay ayaa sidoo kale ku baaqay in la Joojiyo wax walba oo dadka Soomaaliyeed dhibaato u keeni Kara.

 

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in maadaama ay jirto cabsi laga qabo cudurka Coronovirus-ka, islamarkaana kiisas ka mid ah laga helay dalalka deriska la ah Soomaaliya lagama maarmaan ay tahay in gebi ahaanba la hakiyo Qaadka ka yimaada dalalka deriska nala ah inta laga hubinaayo saameynta khatarta wadata ee uu bulshada Soomaaliyeed ku yaalanย  karo,wuxuuna laanta fulinta ka codsaday in ay si deg deg ah talaabo u qaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker