Madaxweyne Kenyatta Oo Xaqiijiyay Kisas Cusub Oo Corona Virus ah Tilaabooyin Adag-na Dul-dhigay Dadka Kenya
Madaxweynaha Dalka kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xaqiijiyay laba kiis oo dheeri ah oo ku saabsan Coronavirus ka dib markii Khudbad uu jeediyay goor dhawayd.
Labadda Kiisย ee Cusub ayuu sheegay in ay kasoo baxeen ka dib markii Baadhitaano lagu sameeyay 27 qof oo xidhidh la sameeyay qofkii ugu horeeyay ee laga helay Coronovirus.
Madaxweyne Kenyatta ayaa ku dhawaaqay Goโaamo cusub oo ay ka mid yihiin:
Joojinta soo gelitaanka Kenya ee dadka ka socda dhammaan Waddamada uu saameeyey cudurka Covid-19 .muddo 30 maalmood ah. Waxaana Amarkani dhaqan Galayaaย ย 48-ka saacadood ee soo socda.
Wuxuu sheegay in muwaadiniinta Keenyaanka ah iyo ajaanibta haysta Ogolaashaha kaliya Loo ogolaan doono wadanka .
Dawlada kenya ayaa Sidoo kale ku Dhawaaqday inย la xidhay Iskuullada iyo Jaamacadda dalka Kenya.
Dugsiyada Hoose iyo kuwa Sareba , Waxaanay Dawladu sheegtay inay hakinayaan howlahooda laga bilaabo Isniinta iyadoo iskuulada Loo yaqaan โboarding Schoolsโ ay sameynayaan isla maalinta Arbacada.ah
Jaamacadaha iyo machadyada ayaa la xidhi doonaa Jimcaha.