” Waxa Noo Farxad Ah in Ay Maxkamadda Somaliland Naga Qabato Dacwad Lagu Joojinaayo 8-Hareemo-cad Oo Wasaaradda Deegaanku Dalka Ka Saarayso ,Si Looga Hortago Xaalufinta Deegaanka..”
Waxaanu Mar kale Taageero la barbartaaganahay Go’aankii Madaxweynaha Somaliland MD: Muuse Biixi Cabdi ,Ku Joojiyay Ganacsiga iyo Dhoofinta Duur-joogta Qarsoodiga Ahayd, iyadoo uu jiray Xeer Mamnuucaya Laakiin Hoosta Laga waday.
Waxaanu Sidoo kale Taageero-buuxda u haynaa Xukunadda Ay Maxamadda Somaliland Ku Rido Kooxaha Ka Ganacsada Duur-joogta ee Dalka ka Dhoofiya.
Waxaananu Bogaadinaynaa Talaabooyinka ay Ciidamadda Qaranku ka Qaadaan Raga Caadaystay Dabar-goynta Duur-joogta ee Dalka ka Saara ,gaar’ahaan (Hareemocadka) oo ku dhow Dabar-Go.
Waxaana Naga Go’an in dalka laga joojiyo Xaalufinta Duur-joogta iyo Dhirta oo Ficil Lagaga Jawaabo.
Intaasi ka dib anagoo kala ah Labada Urur ee SAPO iyo SWS ee ka shaqeeya ilaalinta Duur-joogta Somaliland ,Waxa noo farxad ah in ay Maxkamadda Somaliland naga qabato Dacwad aanu ku oogayno Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo si sharci-daro ah dalka uga dhoofinaysa 8-Hareemocad oo lagu soo qabqabtay dad shicib ah oo dalka ka dhoofinaayay kuwaasi oo ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Riday Xukuno, iskugu jira Xadhig ,Ganaax Lacageed iyo Hantidoodii oo lala wareegay.
Iyadoo 30-Hareemocad oo dadkan lagu qabtayna Maxkamadu si Amaano ah Wasaaradda Deegaanka Ugu Wareejisay ,kuwaasi oo ay 8-Ka mid ah Wasiirka Deegaanka iyo qaar ka mid ah agaasimayaasheedu Go’aansadeen in ay Si Tuuganimo ah ugu wareejiyaan Urur la yidhaado (ASPINALL FOUNDATION) oo dalka debediisa ku leh Xeryo Xayawaanka lagu daawado(ZOO) .
Waxa Xusid mudan ,Waxay Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka Somaliland Jabiyeen Xeerka Duur-joogta Somaliland Qodobkiisa 19-Aad iyo 2-Aad ,kuwaasi oo Gabi’ahaanba Mamnuucaaya Dhoofinta Duur-joogta iyo Ganacsigeedaba ,waxaaney ka Door-bideen Hantidaa Qaranka ,Shilimaan ay Bixisay (ASPINALL FOUNDATION).
Wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa wada Qorshe Dhiirigalinaaya in uu dib u bilaamo Ganacsigii Duur-joogta lagu Dhoofin-jiray iyo Kii Xaalufinta Dhirta oo Badidiisii istaagay Mudadii Madaxweyne Muuse Biixi taladda Somaliland hayay ,taasi oo sababtay in deegaankii iyo Duur-joogtii Nastaan ,waxaana arintaasi markhaati ka ah Xayawaankan Shicibka laga qaaday ee dib loo dhoofinaayo.
Geesta kale Beesha Caalamka ayaa Maxkamadda Somaliland ku majeertay Go’aankii Cadaa ee ay ka qaateen Kooxihii Hareemacadyaddan Hargeysa Lagu Xanaaneeyo Dalka Ka Dhoofinaayay.
Xayawaankan ayaa ku nool Aqal Hargeysa ku yaala halkaasi oo ay Daryeelkooda ku haystaan.
By Gudoomiyaha Ururka Sapo
Mahad Faarax Cabdidaali.
Iyo Gudoomiyaha Ururka SWS
Cabdi Cali Gadhle.
Hargeysa Somaliland.