Dawladda Ethiopia oo Qaramada Midoobay ka codsatay in Eritrea cunaqabateynta laga qaado

Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta saaran, saacado kaddib markii hogaamiyayaasha labadaasi dal ay saxiixeen is afgarad lagu soo afjarayo xaaladdii colaadda ee dalalkooda u dhaxaysay.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo ka laabtay booqashadii taariikhiga aheyd ee uu Isniintii ku tegay dalka Eritrea, ayaa waxa uu codsiga arrintan hordhigay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ay kulan ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

Hasayeeshee codsiga noocaasi oo kale ayey tahay inuu ka doodo oo uu meelmariyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Golahaasi oo Eritrea cunaqabateynta ku soo rogay 2009 kaddib markii dalalka dariska la ah ee Bariga Afrika ay ku eedeeyeen in dalkaasi uu taageero maleeshiyaad Islaami ah oo gobolka ka dagaalama.

Dowladda uu fadhigeedu yahay magaalada Asmara markastaa waxa ay diidi jirtay eedaha loo soo jeediyay.

Codsigan loo gudbiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayey u badan tahay in Golaha Ammaanku uu taageeri doono halkaas oo Itoobiya ay ka tahay xubin aan joogta aheyn.

XIGASHO: BBC NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker