Ciidamada ka socda bariga Afrika ee ku sugan Congo oo waqtiga loo kordhiyay

Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa Talaasadii shalay si wada jir ah isugu raacay in muddo kordhin loo sameeyo ciidamada gobolka ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Go’aankan ayaa imaanaya todobaad kadib markii saraakiisha ciidamada DR Congo ay dileen 43 qof ayna xireen 168 dibadbaxayaal ah oo dalbanayay in ciidamada Bariga Afrika iyo kuwa nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ay ka baxaan bariga Congo.

Waqtiga ciidamada gobolka waxa uu ku ekaa 8 Sebtembar, laakiin kordhinta waxay ka dhigan tahay in ciidamadu ay sii joogi doonaan bariga DR Congo saddex bilood oo dheeraad ah, ilaa 8 December.

Ururka bulshada Bariga Afrika ayaa arrintan ku dhawaaqay Talaadadii, kaddib shir madaxeed ay madaxda gobolka ku yeesheen caasimadda Kenya ee Nairobi.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa raysal wasaaraha Congo Sama Lukonde, wasiirka Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Uganda Rebecca Kadaga iyo Madaxweynayaasha Kenya Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker