Madaxweynihii hore ee Pakistan Jeneral Musharaf oo lagu Xukumay Dil
Islamabad (OWN) โ Maxkamadda sare ee waddanka Pakistan ayaa Xukun adag ku ridday madaxweynihii hore ee wadankaasiย gacanta birta ah ku Maamulayay ahaana Jeneraal Militeriga ka tirsan ee Generaal Perfes Musharaf.
Guddoomiyaha maxkamadda khaaska ah ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in Pervez Musharraf lagu xukumay dil ,ย kadib markii lagu helay dambiyo dhowr ah.
Masโuuliyiin Pakistaaniyiin ah ayaa sheegay in Maxkamadda la dagaallanka Argagaxisada Pakistan ay kaligii Taliye Musharaf ku xukuntay in la dilo xilli uu dalka dibaddiisa ku maqanyahay.
Dambiyada ugu waaweyn ee Musharaf lagu helay waxaa kamid ah in uu ku dhacay khiyaano Qaran kadib markii uu jebiyay qodobka 6-aad ee dastuurka u degsan Pakistan.
Qadiyadaha lagu Ciqaabayo Pervez Musharraf waxaa ugu waaweyn Afar qodob sida in uu cilladeeyay Dastuurka Wadanka, in uusoo rogay xaalad degdeg ah sanaddii 2007 islamarkaana uu Xilkii ka qaadayย madaxii Guddiga garsoorka ,ninka lagu magacaabi jiray Iftikhar Chaudhry.
Sanaddii 2007 ayuu Musharaf xaalad degdeg ah kusoo rogay wadanka kadibna ciidamada Melleteriga ayuu u Fasaxayย in ay duullaan dad badan lagu Xasuuqay ku qaadaan Gobolka Iswaad ee wadanka Pakistaan.
Lama oga in goโaankan maxkamadda sare ay gaadhay uu fuli doono iyo inkale maadaama Musharaf uu ku Suganyahay wadanka Imaaraadka tan iyo sanaddii 2016-kii xilligaas oo safar caafimaad uu ku aaday magaalada Abu Dubai.